RAGGII DILAY HINDIYA XAAJI MAXAMED OO MAANTA LA MAXKAMADEEYAY

RAGGII DILAY HINDIYA XAAJI MAXAMED OO MAANTA LA MAXKAMADEEYAY
Maxkamadda derejada koowaan ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday Lix eedeeysane oo loo haysto dilkii marxuummad Hindiya Xaaji Maxamed Kheyre oo ka tirsanayd warbaahinta qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Cabdi risaaq Maxamed Barrow Caddow ay maxkamadu ku ridday xukun dil toogasho ah,maadaama uu ahaa ninkii walxaha qarxa gaariga ugu xirey marxuumad Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre.

Wuxuuna sidoo kale gacan ku dhiiglahani ahaa u qaabbilsanaha Ururka Al-shabaab ugu xil saaran daba galka iyo sahaminta goobaha ay ku sugan yihiin dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed ee la doonayo in loo maleego dilka iyo shirqoollada kale.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun xabsi daa’im ah ku ridday eedeysanayaasha kala ah; Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali iyo Macalim Maxamed Sheekh Yuusuf, maadaama ay qirteen in kooxda Al-shabab ay u qaabilsanaayeen faafinta afkaarta kooxdaasi isla markaana ka shaqeyn jireen dugsiyo lagu fidiyo fikirta Al-shabaabnimada ah.

Maxkamadda derejada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa eedeysanayaasha Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, waxaa ay ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah, bacdamaa ay la shaqayn jireen Al-shabaab.

Allaha u naxariistee Hindiya xaaji Maxamed Kheyre ayaa Saddexdii Disembar 2015 kii u geeriyootay qarax looga xiray gaarigeeda xilli ay ka soo baxday Jaamacadda SIU oo ay wax ka baran jirtay,waxanay marxuumadda sidoo kale ka mid ahayd shaqaalaha warbaahinta qaranka Soomaaliyeed.

BAARGAAl.NET
isha wararka horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain