SHEEKADII WEHELIYE : wadada wanaagsani waa wehelka nolasha ( Qaybtii 2-aad)

SHEEKADII WEHELIYE : wadada wanaagsani waa wehelka nolasha ( Qaybtii 2-aad)


Ha yeeshee markii uu mudo 20 tan sano ah ka shaqeynayay maraakiibta ayuu badelay shaqadii badmaaxnimda oo go’aansaday inuu ka shaqeysto ganacsi waxaana nasiib wanaag noqotay inuu helo shirkado uu sheer ku darsado madamaa uu hayo lacag badan wuxuuna ka mid noqday in kabadan 10 shirkadood iyo kambaniyo waa weyn oo isugu jira kuwo soomaliyeed iyo kuwa kaleba waxayna dhamaantood ka helay fa iido badan oo dag dag ah iyadoo ay saa tahay buu misna shaqo kahelay shirkad caan ah oo ka shaqeysa biyaha waayo wuxuu ahaa nin ilaa iyo intii uu caqli yeeshan shaqaale ahaa waxana uu lana qabsan waayay nasashada iyo gacantoo laga shaqeyneen

in kastoo uu marka uu xusuusto inuusan fursad uhekin wax barasho xiligii ku haboona ee dhalin yara nimadiisa uu hada uu dareemay markii uu hantiile sare noqday isna tusay inuusan maanta qalin qadan karin inkastoo aan tacliinta laga gaboobin.

hadii uu mudo 10 sano ku dhaw uu ka shaqeynayay shirkadii uuna garay 50 sano jir uuna noqday nin haysta maal badan waxa uu go aansaday in uu dalkiisii hooyo ku soo noqdo wayo waxa layiri : qurbe goblan iyo geeri buu kula sugaa ee hadaba markii uu dalka dib ugu soo noqday waxa uu kula kulmay niman dilaalo ah oo daneeystayaal ah waayo majirin cid ay ehel yihiin wuxuuna ogaaday in aabihii waa hore dhintay awalna maba xusuusto cid kale oo xiriirin jirtay sidaa daradeed bay dilaaliintii ay isku barteen huteelka u noqdeen saaxiibadiis waxayna uga faaidesteen shaqadoodii waxeyna ku qalqaliyeen inuu iibsado dhul weyn oo il ka aragtay ah.

waxuu ku fekeray inuu dhisto guri qasri ah oo raaxo aduun loo dhameeyay wuxuuna ku yiri : saxiibadiisi ii sheega shirkada ugu caansan deegaanka ama dalkaba guud ahaan ee dhisi karta qasri la mid ah kuwa dhismo ahaanaad u soo caan baxday hadii ay kulmeen waxa dhex maray wareysigan :

Weheliye : waxaan rabaa in aad iga qandaraasatid qasri caalami ah oo la mid ah kuwa ugu qaalisan dhismayaasha aduunka

waa suge baa ku yiri : walaal waxaan ku tusayaa nashqado badan oo ah dhismayaal ay fulisay shirkadeydu.

weheliye baa yiri : waxaan aad uga helay naqshadaha aad iisoo ban dhigtay laakiin waxa aan ubaahnahay inaan qeyb ka mid ah qaato oo cawa huteelka kaga soo fikiro asxaab aan isku baranay oo ay ka mid yihiin dalaaliinta dhulka iyo qurba joog kaleba kalana soo tashado doorashada dhismaha aan kaa qandarasanayo hadii alle idmo.

iyadoo sheekadii usacoto (waa suge-ne) ku farax sanyahay ninkan taajirka ah ee gacanta usoo galay hase yeeshee uusan dhisin qasrigan uu doonayo mid lamid ah laakiin uuna kuyahay mashruuc u ugub ah oo ka duwan kuwii shirkado horay u fulin jirtay oo ahaa sida guuryo ganacsi, hoteelo dalxiis, xafado lakiin uu yahay weheliye mashruuciisu mid dhaqaale badan ka heleyso shirkado hadii ay ku guuleysato 


kadibna waxa usoo galay warsame isbarasho ka dib ayaa warsame oo wax ka fahmay sheekada u socotay baa yiri walaal weheliyoo waxaa wanaagsanaan laheyd lacagta inaad ku dhistid 100 guri oo ay dagaan dad danyar ah ka dibna ay qiimeeyaan gurigaad dhisan laheeyd 

warsame oo ah dhaqaalyahan aqoon sare leh shirkadana ka caawiya arimaha xisaabaadka. weheliye oo aamus yar kadib intuu fiiriyay dhaqaaleyahanka una qushuucay taladiisa baa si dag dag u yiri : 

ma waxa leedahay guri aad kaligaa ku raxaysato waxaa kawanaagsan 100 qoys oo aad dajisid waa arin macquul ah waadna mahadnastahay in jineerkii oo arkay inuu saaxiibkii galay khalad baa yiri :

warsamow meherada waxa yimaada shaqsi soo tashaday markaa waxa fiican inaan kala talino arintiisa oo ah qasri raaxo oo casri ah oo dhameeystiran iyo miisaniyada ka dib marka uu doorto nashqada. 

intaa ka dib waxa soo galay {WAABERI} iyagoo kala aamusan ka dib isbarasho waxaana uu ka ogaaday arinta meesha taala buu isna isagoo ah masuulka deegaanka buu taladiisii ku darsaday. wuxuuna yiri : waxaa ka wanaagsan inaad maalgalin ku sameyso qodida ceelal biyood waxaana idiinka waramayaa dhawaan kor meer howleed oo aan ugu kuur galayay deegaamo kamid ah dalkeena hooyo waxayna la yaabanaayeen biyo la aan iyo baad la'aan daran hase ahaatee waxaa darnaa oomanaha oo waxa layiri

nin oomani dhagaha wuxuu ka maqlaa hoo biyaha 

hadaba waaxa ku dayasho Mudan ninkii riig keena taariikhduna ma ilowoowi doonto  waxaana layiri : wax wax ku tara wax badan baad aragtaa wax kula taliyana wax yar baad aragtaa 

waxa kaloo layiri: talada adigaa ku noole iyadu ku kuma noola waxa ka loo layiri : talo iyo tayo qofkii isku hela baa tanaada markaa anigu waxan oran lahaa maal gali mood iyo noolba ma yeere iyo muslinba ayaa waxay garandoona waxaad ka mudantahaye.

ka dibna waxa uu waheliye usheegay inuu berito casumayo ayna wada sheekeysan doonaan wuxuuna yirii: saaxiib waasuge inoogu celi naqshadaha feelkodii wuxuuna bogaadiyay fikirka geesi nimada leh ee ay u soo bandhigeen aqoonyahanadu wuxuuna yiri: 

maantaa isugu keen horeysay runtii ma fileyn inaan lakumayo rag sidan uga damqanaya nolasha dad kooda uguna dareen qaba horumarka dalkooda kadibna waxaa u bilaamay wereysiyo googoos ah iyagoo qoslaya is fahmayna bay balameyn birito weheliyaana waxa uu aaday hoteelkiisii 

habeenkii oo dhan weheliye  waxa uu aad ugu fikirayay arintii aadka u xiisaha badneed ee ay usoo bandhigeen dhalinyaradi ay isbarteen waxa layiri :ku bartay oo kuma naco iyo ku bartay oo kuuma noqdo baa jirtay. 

waxana uu diiday inay  la sheykeystaan dilaaliintii oo sugeysay taas oo .....


La soco Qaybta Danbe oo aad u  xiiso Badan 

Halkan hoose Ka akhri Qaybtii Hore ee Sheekada:


Developed by Jago Desain