Posts

Shirkii Beesha Caalamka iyo Madaxda Puntland uga socday Garoowe ayaa kusoo idlaaday Fashil

Wararka ka soo baxaaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in fashil uu kusoo dhamaaday Shir muddo maalmo ah ka socday Magaaladasi una dhexeeyey Madaxda Puntland iyo Masuuliyiinta beesha Caalamaka kaasi oo looga hadlaayay arimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadkan.

Wararka ayaa intaasi ku daraaya in waxyaabaha laysku mari waayey ay ka mid tahay in Puntland ay badasho go'aan horraaneed ay ka qaadatay shirkii lagu go'aamiyey nooca doorasho iyo habka ay uga dhacayso Soomaaliya kaasi madaxda dowladda federalka iyo madaxda beesha caalamku ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Magaalada Garowe ee Casimadda Dawlada Puntland waxaa ku sugan wafdi uu hogaaminaayo wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mechel Keating iyo xubno kale oo la socda kuwaasi oo halkaa u tagay sidii ay Puntland uga dhaadhicinlahaayeen in ay badasho mooqifka ay ka qaadatay go'aankii doorashooyinka dalka laga gaaray kadib kulan ka dhacay Muqdisho.

Waxayna muujiyeen Madaxda,Siyaasiyiinta,Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshawaynta ku dhaqan Puntland inay isku aragti ka yihiin diidmadda go'aankii lagu gaaray shirkii muqdisho ka dhacay ee lagu go'aamiyey doorashada dalka sannadkan 2016.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain