Posts

Tacsi Tiiraanyo Leh : Caaqil Siciid Saalax Ismaaciil oo ku geeriyooday magaalada Dubai

waxaa Magaalada Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta cisbataal ku yaala ku Geeriyooday Allah ha unaxariistee Caaqil siciid saalax ismaaciil oo kamid ahaa oday dhaqameedyada ama nabadoonada sida weyn looga jeclaa oo looga tixgalin jiray Deegaanada Puntland iyo soomaaliya.

Alaha u naxaristee Caaqilku wuxuu caan ku ahaa isku xirka bulshada Degaanka, ka shaqaynta Nabada asagoo ka mid ahaa Asaasayaashii iyo hormuudkii dhidibada utaagay ‪Dowladda‬ Puntland Waxaana wakhti iyo Dhaqaalaba uu ku bixiyay sidii loo helilahaa horumar iyo nabad ka hirgasha dhamaan gobolada Puntland iyo guud ahaan ‪Somaliya.

Dhamaan Maamulka iyo shaqaaalaha Shabakada Baargaal.net waxay tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qooyskii, ehelkii, qaraabadii iyo xigtadii Alle ha unaxariistee Marxuum Siciid saalax ismaaciil waxaan Allah uga baryaynaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qooyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan kasiiyo Aaamiin aamiin aamiin . Inaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.

Waxaa na soo gaaraaya dhambaalo badan oo tacsi ka diraayaa geeridii ku timaadaay Allaha unaxariistee Siciid saalax ismaaciil , marka fadlan waxaan noogu soo diri kartaa dhanbaalkaaga :
baargaal@gmail.com

Inaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.
Developed by Jago Desain