Waalidiinta ardayda oo cabasho xoogan ka muujiney isbedel lagu sameeyey khidmahada imtixaanaadka shahaadiga ee Puntland

Waalidiinta ardayda oo cabasho xoogan ka muujiney isbedel lagu sameeyey khidmahada imtixaanaadka shahaadiga ee Puntland
Waalidiinta ardayda iyo gudiyada waxbarashada deegaano badan oo ka tirsan puntland ayaa cabasho xoogan ka muujiney isbedel lagu sameeyey khidmahada imtixaamada ee laga qaado fasalka 8aad ee dugsiga iyo fasalka afraad ee dugsiyada sare ee Puntland.

Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa dhawaan soo saartay go'aan ah in khidmada ardayda u fariisanaya imtixaamka ee fasalka afraad ee dugsiga sare  laga dhigay 40$.

Sidoo kalena Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa soo saartay in khidmad ardayda u fariisanaya imtixaamka ee fasalka 8aad ee dugsiga dhexe laga dhigay 15$  taasi oo ay cabasho ka keeneen waalidiinta ardayda iyo gudiyada waxbarashada deegaao badan oo ka tirsan Puntland.

Waalidiinta qaar kamid ah ardayda ayaa sheegay in ay markii hore ku yaabanaayeen bixinta lacagta fiiga-ga ah ee ardayda loogaga qaado iskoolada, oo marba marka ka dambeysa wax lagu kordhinaayay

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain