Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan aSoomaaliya Oo Beri Kusoo Wajahan Deegaamada Puntland

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Micheal Keatng iyo wafti kasocda beesha caalamka ayaa lafilayaa inay beri xilli hore yimaadaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wafuudaani heerka caalami ah ee uu hogaaminayo wakiilka xoghayah guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan xafiiska taageerada Soomaaliya ayaa waxa ay kulamo laqaadan doonaan madaxda dowladda Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in wafuudaani ay madaxda Puntland kala hadli doonaan arrimaha geedi socodka ee hanaanka doorashada Soomaaliya, gaar ahaan qaadashada hanaanka waxqaybsiga qabiilka ee 4.5.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo dhowaan ka qaybgalay shir kadhacay Muqdisho ayaa qaadacay inay saxiixaan 4.5, maadaama ay horay ubalanqaadeen inay fulin doonaan rabitaanka shacabka Puntland.


Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deeganada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain