Posts

Wasaarada Haweenka Puntland oo qabatay kulan looga hadlaayay xoojinta kaalinta haweenka ee arrimaha siyaasada iyo bulshada (Sawiro)

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland ayaa maanta magalada Garowe ku qabatay kulan balaaran oo lagu gorfeynayay xoojinta kaalinta haweenka ee arrimaha siyaasada iyo tan bulshada.

Kulankaas ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiro ka socda wasaaradaha Dastuurka, howlaha guud, warfaafinta, xubno ka socda xildhibaanada Baarlamaanka, haween iyo aqoon yahano.

Muhiimada kulanka ayaa lagu sheegay in awooda haweenka la muujiyo iyo ahmiyada ay u lee yihiin inay ka qayb qaataan horumarinta arrimaha bulshada.

kasoo qayb galayaashii shirka ayaa is waydaarsaday aragtiyo salka ku haya xaalada Haweenka waxayna soo jeediyeen in Odayaasha dhaqanka iyo bulshaduba ka qayb qaataan sidii dowrka haweenka uga muuqan lahaa xarumaha shacabka loogu addeego.

Masuuliyiintii kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay inay ka xun yihiin haweenka Soomaaliyeed ee loo daabulayo dalka Sucuudiga taasoo ay ku sheegeen doodoa inaysan wax wanaagsan ahayn laga fiican yahay in haween Soomaaliyeed in ganacsi ahaan looga iibiyo dalka Sucuudiga iyadoo ay weli jiraan haween qoysas ah oo laga soo taxriilayo dalkaasi.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdiqaadir xaaji Muumin oo shirkan soo xirtay ayaa sheegtay inay abaabulayaan qorshe haweenka lagu horumarinayo kaasoo la hor geyn doono labada golle ee dowladda, waxay sheegtay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Federaalka iyo kan Puntland si qoondada haweenka loogu daro 40% , arrintaasi waxay ku timi kulamo haweenku sameeyeen lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

wasiir Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtay Haweenku inay awood u lee yihiin inay shaqooyinka qabtaan, balse waxay tilmaamtay inay haweenka lagama maarmaan u tahay inay kor u qaadaan aqoontooda iyo kartidooda, waxay sheegtay oo kale haweenku inaysan ka hadlin waxay xaqa u lahaayeen.










BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain