Akhriso : Maamulka Puntland oo sheegay in aysan aqbali doonin cid walbo oo xoog ku heysata guri aysan lahayn

Madaxweyne ku xigeenka maamulka puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey oo warbaahinta la hadlay ayaa Hay’adaha amniga ee deegaanada puntland ku wargeliyay in ay talaabo sharci ah ka qaadaan cidii xoog ku qaadataaguri aysan sharci u heysan.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in cid walbo oo dooneyso guri iney marto wadada sharciga ah oo ay la soo xiriirto Hay’adaha ku shaqada leh ee maamulka puntland hoos taga.

Waxa uu tilmaamay in maamulka puntland aysan aqbali doonin in lagu cayaaro bilicda magaalooyinka waa weyn ee Maamulka puntland oo uu sheegay in laga dhiso guryo sharci daro ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in talaabo sharci ah laga qaadayo cidi u hogaansami weydo go’aanada ay soo saareen iyo cidii dhisataa dhul aysan lahayn milkiiliyadeeda.
Developed by Jago Desain