Bangiyada waawayn ee Mukalla oo mar kale dib u bilaabay shaqadoodii kadib Hal sano oo ay shaqadoodu istaagnayd

Bangiyada waawayn ee Mukalla oo mar kale dib u bilaabay shaqadoodii kadib Hal sano oo ay shaqadoodu istaagnayd
Waxaa lagu guulaystay in Dib loo Furo Bangiyadii waawaynaa ee mukalla ee Dalka Yaman kadib dadaal dheer oo uu hoggaaminayay Gudiga fulinta ee Golaha hadramout ka dib ku dhowaad muddo dhan hal sano oo gebi ahaanba ay shaqadoodu taagnayd taniyo  horraantii bashii April ee sanadkii tagay sabab la xiriiray dhacdooyinkii gobolkaas ka dhacay  . 

dib u Furida bangiyada waawayn ayaa dardar galinaya shaqooyinka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee mukkalla ay la leedahay dhinacyada kale , sida deegaanada xeebaha soomaaliyaha oo badeecooyin badan ay is dhaafsadaan ayadoo sidoo kale muujinaysa degenaansha iyo xasiloonida ka jirta gobolka

Dhiniciisa, Mr. Ali guga Alaobthani Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee golaha Hadramout ayaa muujiyay sida uu ugu farxsanyahay furitaanka bangiyada ka dib muddo hal sano oo ay ah ay xirnaayeen , asagoo u mahadceliyay maamulayaasha bangiyada ay iskaashiga leeyihiin ee ka qayb qaatay taageerida xasiloonida gobolka. 

Waxa uu sheegay Mr. guga in taalabada Dib u furitaanka bangiyada ay raaci doonaan talaabooyin badan oo dib xasiloonidii iyo shaqadii goobolka loogu soo celinaayo lagu dardargalinaayo adeegyadii kale ee bulshada. 


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Mukalla - Xadramout - yemen
Developed by Jago Desain