Ciyaaraha Heerka koobaad ee Degmada Boosaaso oo galabta Furmay (Sawirro)

Ciyaaraha Heerka koobaad ee Degmada Boosaaso oo galabta Furmay (Sawirro)
Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari waxaa maanta si rasmi ah ugaga furmay Koob ciyaareedka Kooxaha Heerka sare e kubadda cagta degmada Boosaaso.

Kooxo gaaraya 12 oo ah heerka koobaad ee kubadda cagta Boosaso ayaa ka qeyb qaadanaya koobkan oo loogu magacdaray Horyaalka Gobolka, waxaana Maanta dhacday Ciyaartii ugu horeysay ee lagu furay.

Masuuliyiin uu ugu horeeyo gudoomiyaha Dhalinyaradda iyo ciyaaraha gobolka bari, Duqa degmada Boosaaso iyo saraakiil kale oo ka mid ah wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo ciyaaraha puntland ayaa ka qeyb galay furitaankii maanta ee koobkaas.

Ciyaarta Galabta oo dhexmartay labada kooxood ee ka mid ah kooxaha Heerka Kobaad Police-ka Vs Amin Arts ayaa inta aysan bilaaban waxaa si rasmi ah u furay Kubaddiina u laaday dhanka Goosha Koonfur Duqa Degmada Boosaaso Yaasiin Mire .

Ka dib furitaan Duqu waxa uu bogaadiyay bar kulanka maanta isagoo ku tilmaamay mid wanaagsan oo aad ugu haboon gobolka iyo isdhexgalka dhallinyarada si ay u kobocaan nabadda iyo horumarkuba.

Waxa uu u mahadceliyay Maamulka Ciyaaraha Gobolka iyo intii abaabushay ciyaaraha galabta furmaya, waxaana uu sheegay in ay ka degmo ahaan u tahay arrin ay aad ugu faraxsan yihiin.

Waxa kale oo uu goobta ka xusay Shirkad lagu magacaabo Solo Construction .co oo dhowaan ka sameeysay garoonka dayactir weyn sida ka muuqatay galabta.

Abshir Cali Yuusuf Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Bari ayaa isna goobta ka sheegay in ay noqon doonaan ciyaaraha manta bilowday kuwo sii socon doona uuna rajeynayo in ay ugu soo gaba gaboobaan si nabad amni leh.

Gaba gabadii ciyaarta ayaa si dar darleh ku bilaabatay waxaana waqtigii loogu talagalay ay ugu soo gaba gabooday si wanaagsan oo nabdoon, iyadoo taageerayaashii ka qeyb galay u bogeen habciyaareedkii wanaagsanaa ee ay soo bandhigeen labada dhinac.
vlcsnap-2016-03-11-18h11m05s10vlcsnap-2016-03-11-18h35m00s241vlcsnap-2016-03-11-18h15m52s5vlcsnap-2016-03-11-18h15m24s236vlcsnap-2016-03-11-18h14m49s219vlcsnap-2016-03-11-18h13m49s72vlcsnap-2016-03-11-18h13m30s134vlcsnap-2016-03-11-18h12m44s188
Developed by Jago Desain