Daawo : Dr. Maxamed Jaamac Salaad "Takar" oo Ka waramey quruxda eebe kumanneeystey Gobolka Gardafuu ee Puntland

Daawo : Dr. Maxamed Jaamac Salaad "Takar" oo Ka waramey quruxda eebe kumanneeystey Gobolka Gardafuu ee Puntland
Dhawaan waxaa booqasho ku Tagay waddamada Waqooyiga America Dr Mohamed Jama Salad Takar oo kamid ah Dhakhaatiirta ugu waaweyn Bariga Africa. 

Dr Maxamed Jaamac Salaad (takar) ayaa kamid ahaa dhakhaatiir badan oo caalamka daafihiisa lagasoo martiqaadey oo madaxweynaha dalka America Barak Obama laqaatey shirar badan iyo Quraac looyaqaan (Preyer and Breakfast).

Dr. Maxamed jaamac Salaad ayaa Kadib wuxuu booqasho ku tagay Magaalada  Toronto, ee Dalka Canada  oo uu kulakulmay Jaaliyadda Somalida iyo tan Puntland wuxuuna si gaar ah uga waramey quruxda eebe kumanneeystey Gobolada Bari ee Puntland isgoo soo bandhigey sawiro iyo filimo laga qaadey Xabagta, Fooxa, Xijiga iyo Faleenka. 

Waxaa kamid ahaa sawirada La daawaday Sawiro iyo muuqaalo laga soo qaaday Cirifka Qaarada Africa Meesha looyaqaa Raas Caseyr iyo Capwe Gardadfui

sidoo kale wuxaa la soo bandhigay dhismayaasha qadiimka ah ee kuyaal dhul-xeebeedka teedsan badda cas iyo badweynta Hindiya, sida:- Baargaal, Hurdiya, Xaafuun, Qandala, Murcaanyo, Caluula iyo Raas Caseeyr.

Loodhashaa Wadani!!!
Hakan ka daawo Video
Developed by Jago Desain