DAAWO-Madaxweynaha Dawlada Puntland Oo Ka Hadlay Halka ay Ku danbaysay Shidaal Baaristii Ka Socotay Puntland

DAAWO-Madaxweynaha Dawlada Puntland Oo Ka Hadlay Halka ay Ka Baxday Shidaal Baaristii Ka Socotay Puntland


Madaxweynaha Dawlada Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Waxaa WARAYSI Xiisa Badan Lagula Yeeshay Magaalada Toronto Ee Dalkaasi Canada Iyadoo la weeydiiyay Su’aallo Dhowr ah

Madaxwaynaha Ayaa ka hadlay horumarka ka socda iyo dhismaha wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland oo uu sheegay in  uu maamulkiisu xooga saaraayo 

Wuxuuna yiri asagoo arintaas ka hadlaaya 

”’Hadafkeeynu Waxaa uu Ahaa in Puntland Hore Isbedesho Garoomada Diyaaradaha Waan dhisanay Wadooyinka Dekadaha Iyo Adeegyo Kalle oo Badan”
dhinaca kale madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas Ayaa Waxaa uu Si Adag Ugga Hadlay Halka uu ku Dambeyay Shidaalkii Puntland asagoo sheegay in ay Ka Qodayaan Deegaanadda puntland ,Waxuuna sheegay in ay Wali Qorshahaasi Socdo.

madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas Ayaa Dadka Reer Puntland ka Dalbaday in ay Mar Waliba Gacan siiyaan Puntland,Asigoo Hadalkisa Ku Sii daray in ay Ku Dadaalayaan in Puntland Isbedesho.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Ayaa Waxaa uu Booqasho ku Kalla Bixinayaa Qeybo ka mid ah Dalalka Caalamka gaar ahaan woqooyiga america.

Halkan Ka daawo waraysiga Oo uu qaaday wariye Maxamed Daahir Xasan oo ka tirsan Toronto Somali Tv

Developed by Jago Desain