Dalladda guud ee Ururada Dhaliyarad Puntland (PYAN) oo si rasmi ah ugu biirtay Dalladda guud ee Qurba-joogta Puntland PEDAN

Dalladda guud ee Ururada Dhaliyarad Puntland (PYAN) oo si rasmi ah ugu biirtay Dalladda guud ee Qurba-joogta Puntland PEDAN
Dallada guud ee dhalinyarada Puntland (Pyan) ayaa isniintii 06 –Maarso-2016 ku yeeshay kulandoogii guud hotelka Newrays ee magaaladda Garoowe,

kulanka ay isugu yimaadeen dhamaan madaxda ururada dhalinyarada Goboladda Puntland ayna kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socda wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Isboortiga Puntland ayaa lugu soo bandhigay waxqabadkii Dalladda PYAN mudadii ay jirtay iyo wiliba shaqo hawleedka xiliga soosocda.

Gudoomiyaha dalladda PYAN Aweys ayaa soo bandhigay waxqabadkii dalladda sida,

1) Furida Xafiiska Dalladda PYAN ee caasimadda Garoowe

2) Tababaradii kusaabsanaa “Plotical Participation for youth” oo ay dhalinyaro badani ka faaiidaysatay ayna dood cilmiyeed la qaateen Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C/wali Sh Axmad.
3) Shirkii dhaliyarada Soomaaliyeed eek a dhacay Muqdisho oo ay dalladda PYAN soo jeedisay inay martigalindoonto kulanka labaad ee dhaliyarada Soomaaliyeed hadii ILAAH ka raali noqdo.
4) Inay dalladu xubin ka noqotay Dalladda guud ee Qurba-joogta Puntland ee qaarada Yurub { Puntland Diaspora Associations Network-PEDAN}

5) Siminaaro kusaabsanaa Youth Leadership oo iyaguna lugu qabtay xarunta Garoowe.


Gudoomiye Aways ayaa Wuxuu si gaara ugu mahad celiyay gudoomiyaha degmada Bosaso Eng, Yaasiin Mire iyo Puntland European Diaspore associations Network (PEDAN) Dalladda Ururada Qurba-joogta Puntland ee Europe oo kaalin muhiim ah ka qaatay shirweymaha dallada dhalinyarada Puntland iyo igagoo dallada ku caawiyay inay u yeelato website dalladu leedahay.

Kadib markii hogaanka dhaliyaradu soo bandhigay waxqabka muuqda ayaa lasyku raacay in wakhti kufilan lasiiyo hogaanka dalladda sidaaska waxaa lugu go’aansaday in muddo labo sano ah dalladdu xilka u kordhisay Gudoomiyaha Dallada Pyan Aweys Axmed Sardheeye iyo ku xigeenkiisa Farxaan Axmed Nuur (Caano Geel).

Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa xilkooda kumeel gaarka ah ku egyahay sagaalka bishaan Maarso, kadib muddo lix bilood ah oo kasoo bilaabatay
markii xilkaan loo doortay sagaalkii bishii sagaalaad ee sanadkii 2015.

Jaamac Xasan Ceyriin oo ah gudoomiyaha dallada dhalinyarada gobolka Bari ayaa sheegay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa inay mudo kordhintaan ku
mutaysteen waxqabad wanaagsan oo ay sameeyeen lixdii bilood ee ugu horeysay, wuxuuna sheegay in la diyaarindoono siyaasadii lagu dhaqmi lahaa
labada sano ee muddo kordhinta ah.

Gudoomiyaha dallada Pyan Aweys Axmed Sardheeye ayaa ugu horayn uga mahad celiyay dalladaha dhalinyarada Puntland kalsoonida ay siiyeen mar labaad
inuu sii hogaamiyo, wuxuuna sheegay inay taasi usahlayso inay sii labo jibaaraan shaqadooda, isagoo sheegay inuu garab uga baahan yahay dalladaha dhalinyarada Puntland, si ay talo iyo tusaale wanaagsan ugu biiriyaan sidii dhalinyarada Puntland loogu adeegi lahaa.
.
Deeqo Jaamac Ciise oo ah agaasimaha waaxeedka wasaaradda dhalinyarada Puntland ayaa sheegtay iyadoo ku hadlaysay magaca wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo dhalinyarada Puntland inay soo dhoweynayaan muddo kordhinta gudoomiyaha Pyan iyo ku xigeenkiisa, waxayna sheegtay inay wasaaradda la shaqayndoonto.

Deeqo Jaamac waxay sheegtay inay sanadkaan  rajeynayaan in dallada Pyan iyo dalladaha kale helidoonaan mashaariic horumarineed oo lagu xoojinayo howlqabadkooda.

Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa xilkaa sii  ayndoona ilaa Maarso sanadka 2018.

Shabakada Baargaal.Net 
Isha wararka Horumarka Calbari

Developed by Jago Desain