Posts

Dawlada Puntland oo sheegtay in ay ku gacan sareyso Dagaalka Garmaal ee Gobolka Puntland

deegaanka Suuj oo ka tirsan tuulada Garmaal oo hoostagta degmada Den
gorayo ee gobolka Nugaal, waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada
Difaaca Puntland iyo Alshabaab waxayna wararka ka imaanaya halkaas
sheegayaan in 11 Ruux laga dilay kooxda Alshabaab.

Wali waxaa socda dagaalka,ciidamada Puntland ayey dadku deegaanku
sheegayaan inay ku gacan sareeyaan dagaalku,waxayna tilmaameen haddii
dagaalku sii socdo ay ku adkaanayso kooxda Shabaabka ah inay
dagaalamaan.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Xassan Soocadde oo
shir Jaraa'id Garoowe ku qabtay ayaa faah faahin ka bixiyey dagaalkii
Ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka argagixisada ku
dhexmaray deegaano Nugaal ka tirsan, waxaana uu sheegay in halkaas
maleeshiyaadku ay jab xoog leh kala kulmeen walina lagu raad joogo
firxadkoodii.

Waxaa uu sheegay dagaalka oo weli socda hadana Ciidamada difaaca
dowladda Puntland inay ku hareeraysan yihiin guud ahaan meelaha ay
joogaan, islamarkaasina ay u firxadeen dhulka baadiyaha ah.

Dhinaca Gobolka Mudug gaar ahaan agagaarka deegaanka Garacad ayuu
sheegay in maleeshiyaadku ay isku aruursadeen dowladduna ay ka
warqabta halkaasna dagaal lagu qaadi doono.

Wasiirku waxaa uu si cad u sheegay in Ciidamada dowladda Puntland ay
soo afjari doonaan maleeshiyaadkaan.
Isagoo la hadlay cid walba oo soo abaabushay duulaankaan ayuu
yiri"Wiilal yar yar oo caato ah oo daallan oo qoryaha jiidaya ma ahan
kuwo Puntland idiinka fulin kara ujeedada aad la lee dihiin"

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain