Doon hub badan usoo waday dalka Soomaaliya oo gacanta lagu dhigay +Sawir

Doon hub badan usoo waday dalka Soomaaliya oo gacanta lagu dhigay +Sawir
Ciidamada Badda dalka Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay dooni la sheegay in hub sharci daro ah usoo waday Soomaaliya, waxaana hada socda baaritaano lagu ogaanayo halka ay doonidaasi ka timid iyo cida ay kusocotay.

Diyaarad nuuca Qumaatiga u kaca oo ka kacday Markabka Provence’s Caïman, ayaa qabtay doonidan hubka siday, waxaana ugu dambeyn doonidan gacanta ku dhigay ciidamadii Faransiiska ahaa ee ku sugnaa meel ka baxsan Biyaha Soomaaliya.

Doontan ay qabteen ciidamada Badda dalka Faransiiska ayaan ka muuqan astaanta wax wadan ah ay ka diwaangashan tahay, waxaana la sheegay hubka saaran in ay u badan yihiin qoryaha AK-47,iyo nuucyo kale oo hub ah.

Dhawaan ayaa sidan oo kale Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Australian kuna sugna ameel ka baxsan biyaha Soomaaliya uu gacanta ku dhigay dooni iyana siday hub badan oo la sheegay in ay kusoo jeeday dalka Soomaaliya.

Shabakada baargaal.net
Isha wararka Horumarka Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain