Posts

Dowlada Soomaaliya iyo Australia oo ka hadlay hubkii Doonida Saarnaa ee Ciidamada Bada Australia qabteen

Warbaahinta dalka Australia ayaa si weyn uga hadashay hub dhowaan
ciidamada Badda dalkaasi ay ku qabteen xeebaha dalka Cumaan kaasi oo
ku socday dalka Soomaaliya isla markaana ku socotay dekedda caalamiga
ah ee magaalada Muqdisho.
Hubka la qabtay ayaa ka koobnaa 2,000 Qoryaha darandooriga u dhaca ee
loo yaqaano AK47, Boqol qoryaha Baasuukaha loo yaqaano (RPG) iyo
39-Xabo oo Gantaalaha garabka laga tuuro ah, iyadoo qiimaha hubkaasi
ay sheegtay Dowladda Australia inuu qiimihiisu yahay lacag dhan
1-Milyan Dollarka Mareykanka ah.
Wargeysyada ka soo baxa magaalada Sydney ee wadanka Australia ayaa
maanta lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan doonta hubka ah ee
lagu qabtay dalka Cumaan, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada
dalkaasi ay sheegeen in hubka ay wadeen ganacsato Soomaali ah oo la
shaqeeya ururka Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay ciidamada Badda Mareykanka oo lagu magacaabo Lt. Ian
McConnaughey ayaa warbaahinta Australia u sheegay in shixnadaha hubka
ah uu ka yimid dalka Iiraan isla markaana uu ku socday kooxaha
argagixisada ah ee Soomaaliya ka dagaalama.
Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay waxa ay ka
hadashay halka loo waday hub dhawaan ay Ciidamada badda dalka
Australia ay ku qabteen meel ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan.
Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in ay
aaminsan yihiin Doontii hubka waday ay qabteen ciidamada Badda ee
dalka Austarila in ay loo soo waday kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula
jirta Dowlada Soomaaliya.
Waxa uu xusay Wasiirka in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu
ogaanayo halka uu ka yimid hubkaasi iyo goobta rasmiga ah ee loo soo
waday, waxa uuna tilmaamay in faah faahin dheeri ah bixin doonaan
marka ay baaritaanada dhamaadaan.
" Waxaan aaminsanahy in hubkaasi uu usocday dhanka Al-Shabaab, mana
rabo in aan ka hordhaco baaritaanada hubkaasi,Soomaaliya iyo Australia
waxay ka wada hadlayeen hubka la qabtay,waxaan wali socda baaritaano
dhawaan ayaana faah faahin doonaa natiijada soo baxda "Ayuu yiri
Wasiirka Amniga.
Developed by Jago Desain