Faahfaahin Dheeraad ah oo Ka soo baxaysa xaalada deegaanka Garacad oo caawa fiidkii koox ka tirsan ururka Al-Shabab la wareegeen

Faahfaahin Dheeraad ah oo Ka soo baxaysa xaalada deegaanka Garacad oo caawa fiidkii koox ka tirsan ururka Al-Shabab la wareegeen
Faah faahin kale ayaa kasoo baxaysa xaalada deegaanka Garacad oo caawa fiidkii koox ka tirsan ururka Al-Shabab la wareegeen, sida ay Puntland Today u xaqiiyiyeen qaar ka mid ah Odayasha magaladaasi.

Maxamuud Yuusuf Ilweyn oo ka mid ah Odayasha deegaanka Garacad ayaa sheegay in ay deegaanka weerar kusoo qaadeen Al-Shabab watay 7-doonyood, wuxuna Odaygaasi sheegay inay ku qiyaaseen tiradooda ku dhawaad kun askari oo hubaysan.

Ilweyn wuxuu sheegay inay xubo ka tirsan Odayaasha deegaanka Garacad ay u sheegeen inay deegaanka ku sugnaan doonaan mudo lix cisho ah, waxa kale uu sheegay inay isagu jireaan ragg cadaan iyo madow ah waa sida uu sheegay Odayagaani oo fiidkii la hadlay Puntland Today.

Cabdi Warsame Jufce (Waal) oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka Garacad ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah xoogaggan aysan u gaysan shacabka deegaanka, balse shacabku ay ka cabsanayaan inay dhibaato kala kulmaan.


Developed by Jago Desain