Gudiga Amniga gobolka Bari oo ka fariistay shaqaaqado shalay iyo xalay ka dhacay Bosaso

Gudiga amaanka gobolka bari oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa maanta u fariistay shaqaaqado shalay iyo xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Dhacdooyinkii dhacay oo ay ka dhasheen qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa waxaa ka mid ahaa weerar koox hubeysan ay ku qaaday Goob lagu baaro gaadiidka bartamaha magaalada, iyo garoonka lagu ciyaaro kubadda cagta ee magaalada.

Gudigu waxa uu ka faalooday dhacdooyinkaas, waxaana uu sheegay in dhacdooyinkii dhacay ay haatan ku wadaan ciidanka Amaanka Baaritaan ka dibna ay saxaafadda u soo shaacin doonaan wixii ka soo baxa.

Waxa kale oo uu gudigu go’aamiyay in halkaas lagu soo afjaro Koob ciyaareed ka socday Garoonka kubadda cagta magaalada Kaas oo u socday kooxaha heerka koobaad ee Degmada, ka dib markii shalay gelinkii dambe laba kooxood oo wada ciyaarayay ay isku dheceen ka dibna shaqaaqad ka dambeysay ay sababtay khasaare dhaawac ah iyo mid hantiyeed.

Dhinaca kale waxa ay Gudigu dhinac u dhigeen dhacdadii lagu weeraray Ciidan fadhiyay barkoontrool gudaha magaalada, iyagoo sheegay in sheegashadii xarakada Alshababa iyo dhacdadaasba ay ciidanku baarayaan.

dhacdada barta koontarool waxaa ku dhintay hal qof waxaana jira dhaawac kale, iyadoo baraha ay ku leeyihiin internetka ku sheegteen masuuliyada weerarkaas xarakada Alshabaab ee dagaalka kula jirta Puntland.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Hormarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain