Hogaamiyihii Kooxda Alshabaab ee Puntland Maxamed Saciid Atam oo magan galyo ka helay Dawladda Qadar

Sida Wararka Qaar sheegayaan Hogaamiyihii hore ee Kooxda Alshabaab ee buuraha Galgala Maxamed Saciid Atam oo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya isku dhiibay 2014kii ayaa warar soo baxaya sheegayaan in magan galyo uu ka hekay dawladda Qadar.

Maxamed Saciid Atam ayaa la sheegayaa in bishii hore uu u duulay Magaaada Doxa ee dalka qadar halkaas oo uu daganaan doono, waxaana wali war arrimahaan ku saabsan uusan kasoo bixin dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in magangalyada uu ka helay Qatar ay qeyb ka aheyd heshiis horay loola galay, markii uu dowladda isu soo dhiibay, xili dawladda Soomaaliya ay cafis siisay cidii kasoo baxda Maaleeshiyaada Alshabaab.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Soomaaliga ee Universal TV ayaa ku sheegay in waxyaabihii uu horay ugu jiray ka baxay, isagoo ku baaqay in wada hadal lala galo Kooxda Al-Shabaab oo uu horay uga tirsanaa atam.

Dawladda Puntland wali kama hadlin dhankaan warka soo baxaya, waxaana Puntland markii atam isi soo dhiibay ay ku baaqday in lagu soo wareejiyo si loo Maxkamadeeyo.
Developed by Jago Desain