Kallumaysatada Degmada Baargaal oo taageeray Xakamaynta kallumaysiga Sharcidarada ah ee ay wado wasaarada kallumaysiga iyo ciidanka ilaalada xeebaha Puntland

Kallumaysatada Degmada Baargaal oo taageeray Xakamaynta kallumaysiga Sharcidarada ah ee ay wado wasaarada kallumaysiga iyo ciidanka ilaalada xeebaha Puntland


Kaluumaysatada degmada Baargaal ayaa cod dheer ku taageeray hawlgalo lagula dagaalamayo kaluumaysiga sharcidarrada ah oo in badan cabashooyin ay ka muujiyeen isla kaluumaysatada.

Waxa dhowaan wasaaradda kaluumaysiga oo kaashanaysa ciidanka ilaalada xeebaha ee Puntland ay dardar gelisay xakamaynata gaadiidka sharcidarrada uga kaluumaysta xeebaha Puntland taasoo keentay in uu kor u kaco waxsoosaarka kaluumaystada.

Hadaba waxaa SHABAKADA BAARGAAL.NET la soo xiriiray qaar ka mid ah kaluumaystada oo aad u soo dhoweeyay hawlgaladaas iyagoo ku booriyay masuuliyiinta wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda inay sii labalaabaan hawlgaladooda

Gudoomiyaha ururka Kaluumaysiga Dankulmis ee Degmada Baargaal C/kariin Maxamed aadan ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin talaabooyinka la qaaday taasoo kallumaysatadii horay uga baxay shaqada dib ugu soo celisay hawlahoodii kaluumaysi isla markaana wax soo saarka kalluumaysada uu laba jibaarmay.

Sharciyo Cusub oo dhawaan ay faafisay wasaarada kallumaysiga puntland ayaa xakameeyay kaluumaysatadii ajaanibta ahayd ee sida sharci darada ah uga waday xeebaha Xaalufin ba’an taasoo sababtay In kaluumaysatada soomaalida oo ay xirfadu ku yartahay in ay meesha ka baxaan oo laga kaaftoomo.

Waxaan la ogayn siday wasaarada kaluumaysigu ugu dhabar adaygi doonto culays badan oo kaga imaanaaya wakiiladii kaluumaysatada ajaanibta ah oo doonaya in arinta sideedii hore loo daayo , dawladana u tusaya in dakhli badani kaga baaqanaayo go’amaadan ay qaadatay wasaaradu.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain