magaala xeebeedka garacad ee gobolka mudug oo caawa ay la wareegeen ciidamo aan la aqoon meel ay ka yimaadeen oo madaxu u duuban yahay

magaala xeebeedka garacad ee gobolka mudug oo caawa ay la wareegeen ciidamo aan la aqoon meel ay ka yimaadeen oo madaxu u duuban yahay
Wararka nagasoo garaya deegaanka garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa deegaankaasi ay dul degeen ciidamo dadka deegaankaasi ay u maleeyeen inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab ilaa hada lama xaqiijin karo.

Dadka deegaankaasi qaar kamid ah ayaa sheegay inay arkeen labo doonyood oo ciidamo ah oo soo dul degay deegaanka garacad kuwaas oo dhanka bada kasoo galay degmadaasi.

Shacabka deegaankaasi ayaa sheegay sidoo kale in doonayahaasi ay ahayeen 4 oo labo kamid ah ay u gudubtay dhanka bada Eyl ee gobolka Nugaal sida ay sheegeen waxgaradka deegaankaasi.
Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain