Posts

Maleeshiyadii alshabaab ee Garacad Iyo Kulub ku jiray oo Isugu Ururay Beeni Harsatay Iyo Ciidankii Puntland oo ku hareeraysan

warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo maleeshiyadii alshabab ee
Garacad Iyo Kulub ku jiray ayaa sheegayaa in aysan wali ka soo dhamaan
xadka gobalka Mudug, isla markaasna ay joogaan hadda deegaan wax yar u
jira Kulub,ayna baraago biyoodyo ku yaala deegaanka ILFOOXSHE ay ka
biyo dhaansadeen.

Nin Reer miyi ah oo jooga deegaankas ayaa u sheegay warbaahinta gudaha
in Maleeshiyadan
ay dul dageen Baraagihii biyaha, aana la garan Karin waxay ku
sameynayaan, isagoo sheegay in uu isagu la hadlay oo ay u sheegteen in
ay Shabaab yihiin.

Ciidamo fara badan oo ka socda dawladda Puntland ayaa hadda kusugan
meel wax yar u jirta halka ay maleeshiyadan joogaan, waxa ayna
ciidamadu qabaan amar ah in ay si deg deg jawaab uga keenaan.

Ciidamo ka soo baxay Garacad oo Mudug ah ayaa ku soo jeeda deegaanka
Beeni Harsatay oo ay joogaan qeyb kale oo kamid ah kooxdan, waxaana
sida muuqata ay hadda isku qeybiyeen labo qeybood.

Goobjooge kusugan magaalada Godobjiraan ayaa u sheegay warbaahinta in
ay reerkooda oo miyiga degan maanta ay ka dhaceen Awrtii reerku lahaa
labo ka mid ah oo aan la aqoon ujeedada ay ilaa hadda ula tageen.
Lama yaqaano ujeedada ay Awrtan u dhaceen,

Kooxdan wixii ka dambeeyey markii ay ogaadeen in la weeraray
Saaxiibadoodii ku sugnaa Garmaal oo ay doonayeen in ay iskugu
yimaadeen meel dhexe ayaa waxaa soo wajahay wel-wel iyo baqdin.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain