March 15, 2016

RASMI: dagaalyahanada Al-Shabaab Oo Isaga Baxay Garacad

SHARE
Dagaalyahanadii Kooxda Al-Shabaab ee shalay la wareegay degmada
Garcad ee Gobolka Mudug, ayaa saaka aroortii isaga baxay guud ahaan
Garacad.

Cali Abshir Mahdi,oo ka tirsan dadka deegaanka Garacad oo la hadlay
Warbaahinta ayaa xaqiijiyay bixitaanka Al-Shabaab .

Shabaabka iyo Ciidankooda ayaa la sheegay in ay raaceen doomihii ay
markii hore Magaalada ku soo galeen.

Dadka deegaanka ayaa haatan waxa ay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan
Guryahooda oo ay shalay ka soo baxeen.

Warar rasmi ah ayaa inoo xaqiijinayo in Ciidamada Puntland ay haatan
gudaha u galeen degmada Garcad, waxeyna baaris ka wadaan gudaha
Magaalada.
SHARE

Author: verified_user