SAWIR : laba wiil oo walaalo ah oo kalluumaysatada reer Mahra ee koonfurta Yemen oo helay canbar ku kacaya 30 million oo lacagta riyaalka ah

SAWIR : laba wiil oo walaalo ah oo kalluumaysatada reer Mahra ee koonfurta Yemen oo helay canbar ku kacaya 30 million oo lacagta riyaalka ah
Ilaahay subxaanahu wa tacala adoomadiisa asagaa u qaybiya arsaaqda cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ahna u sahla oo meeshiisa ugu keena

laba wiil oo walaalo ah oo ka tirsanaa qoys sabool ahaa oo ku dhaqnaa deegaanka xaswayn oo ka tirsan gobolka mahra ee koonfurta Yemen ayaa ka helay badda oo ay u aadeen kalluumaysi kamiyad badan oo canbar ah

wararka ayaa sheegaya in labada walaalaha oo badda u shaqo doontay uu ilaahay qadaray inay la kulmaan 10 kiilo oo cambar ah oo u dhigma in ka badan 30 million oo lacagta riyaalka Yemen ah

Wararka‏ ‏ayaa intaasi ku daray in koox kaluumaysato ah ay markii hore arkeen canbarka, laakiin ay ka isagatageen maxaa yeelay uma malayn in uu yahay cambar.

sidoo kale waxaa u yimid nin kalluumaysade ah oo u soo dhawaaday, laakiin wuxuu u maleeyey in uu yahay geed timir ah jirridiis.

labada wiil oo walaalaha ah ayaa waxaa u yimid dalbayo badan oo iib ah ayagoo markii danbe ku iibiyay nus milyan lacagta riyaalka sucuudiga ah.

cambarka qiimahiisu aad ayuu qaali u yahay, waxaana loo arkaa nin nasiib badan ninkii ka hela badda.

cambarka dadku waxay aqoonaayeen boqolaal sano ka hor, oo waxaa loo isticmaalaa carfinta, iyadoo laga sameeyo qaar kamid ah catarada ugu qaalisan dunida.

cambarka waxaa laga helaa mindhicirrada nooc ka mid ah nibiriga waxaa loo yaqaannaa nocaas nibiriga cambarka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain