Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii 5-aad iyo Qoraa C/rashiid Xaashi Carab

Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii 5-aad iyo Qoraa C/rashiid Xaashi Carab

Markii uu arkay tagidid balan furka u wiilkiisii kusameyay oo ah ceeb sokeeye buu wuxuu ku yiri waxa la yiri: nin weyn oo qowl ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday ee aleyliyo aleylahe waan ceeboobey waxana islamarkiiba kusoo booday dhiigkar oo waxa ku noqotay arin dhaqanka soomalida ku fool xun oo {ugub} ah waxaana si degdeg ah loogula cararay cusbitalka kadibna wuxuu ku uruuray gogosha isago lageeyay beertiisii miyiga xasaskiisa mid kamid ah. 

kadib Dr. iftin waxa ay noqotay gabar firfir coon oo aad iyo aad looga tixgaliyo shaqada, waxayna ahayd gabar qurux badan kuna kortay guri ladan. waxaa marka damac galay qaar kamid ah dhakhaatiirta oo qal qaalo badan u galay siday macaariifta gabdha ah ee ay yeelatay iftin ugu dirsan lahayeen 

hase yeeshee waxay daba gal ku sameyeen gabdhaha ay saaxiibka noqdeen iney ogaadan inay cid lasocoto ama cid lasheykeysato hadi ay mudo u kuur galeyn waxay soo ogaatay liimo iney xiriir fiican leyihiin inan dukaanle ah oo layiraahdo qorax dhawaana ka mid ahaa dibjirka magalada. 

hadii ay gabdho kooxi ahi heleyn xogtaas waxay u tashadeyn sidii ay ufurfurilahaayen arintaas waxayna qeybsadeyn shaqadii waxayna u  ubixiyeen burburin jaceyl oo habeysan ka dibna waxay bilaabeyn shirqool koodii hadaba malin maalmaha ka mid ah ayaa liimo oo ay daris yihiin iftin  bas soo wada raceyn waqtigi rawaxaada waxayna ku bilowday sheeko doqon magaratay ah waxayna tiri : iftiney ma ogtahay iney rag badan oo ku jeceli jiraan lakiinse ay garan layihiin furahaaga mase ogtahay inaa tahay gabar qurux badan deeganka sida lagugu xanto ilaa waxaa layiri: fuley xanti ma moogee.

in taas kadib bey u warantay ilaa iyo guryohodii waxayna liimo kaheshey sirtii ay dooneysay ka dibna malinti dambe bey isu yimaadeyn kooxdii oo ka kooban afar dumar ah waxayna falanqeyeen qorax waxa mar dembe xog loo diray liimo sey usoo ogaato tariikh nololeedkiisa una soo wareysato dhalinyarada xaafada fadhigoodii dambena waxay soo heshey inuu yahay nin jaahil ah aan wax tacliin ah laheyn ka yimi miyi furtayna dukaan. 

maalintaas bay qeybsaden hawl sheydaan koodii waxayna liimo u xilsareeyn inay maalin kasta la rawaxdo fuushana garigeeda kana soo dhadhiciso inaan nin aan aqoon yahan aheyni uusan aheyn kufkeeda waxayna ku tiri: iftiney waxaa tahay dhakhtarad, waxaana fiican inaad noqotid gabar han weyn oo heer sare ka gaarta aqoonteeda waxana kula fahmi kara nin aqoonyahan ah oo dhigaga ah. 

hase yeeshee iftin waxay ugu jawaabtay walaashey tacliinta waala baran karaa ee qofna kuma dhalan lakiinse wiil kan waanu is baraney isna fahaney wana jeclahey ee saaxibey dhankiisa ha iiga marin. 

kadib markii ay liimo kusoo celisay saxiibadeyd warkii iftin bay waxay ku tashadeen iney isu qeybiyaan afar meelood waxayna yiraahdeyn adigu fermeshiga kala shaqeysaaye halkaas kaga soo afuuf. 

saluglana oo ah gabadha baarka heysata waxay yiraahdeen waqtiga nasashada ee ay sharaabka kuusoo doonato adiguna ka dhadhici 

hiloowla oo ah qofta ugu da weyn ayna kala tageen dhowr nin marka u dambeysa hadii aanu marsiin weyno adigu baa helay 

hadii ay dr iftin mid kasta u sheeksay inanay sinaba u joojin karin xiriirka mudada dheer soo taxnaa ileyn il iyo shaaroba waa jirtaye axdigii laga baxana ma fiicana waxa layiri qof kaan balan laheyn diin maleh 

ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah hiloowla qado usameysay afar toodii iyo dr iftin markii ay qadeyeen bey iyagoo si celcelis ah oo sheeko gaaban ah bey waxay ka dhadhiciyeen iney badesho saxiibkeed waxayna ugu dambeyntii ku tiri: iftin bal waayahee waxa layirii : wadar iyo waaxid iyamaa waalan, 

La soco qaybta Danbe 

HOOS KA AKHRI QAYBIHII HORE EE SHEEKADA HADAY KU DHAAFTAY 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
EMAIL:BAARGAAL@GMAIL.COM
Developed by Jago Desain