Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii 6-aad

Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii 6-aad
waxay ka dhadhiciyeen iney badesho saxiibkeed waxayna ugu dambeyntii ku tiri: iftin bal waayahee waxa layirii : wadar iyo waaxid iyamaa waalan,

marka intiinaas oo ah intii aan noolaa saaxiibadii aan yeeshey kuwii ugu badnaa aana nahay dad isku meel ka sheqeeya xirfadna wadaaga sidee baan uga bixi karaa balan baan qadee.

hilowla baa tiri waa lagugu yaqaan.

waxaan sameyneynaa xaflad aan ku qabano huteelka magalada ugu caansan waxaana bixineynaa warqada marti qaadka waxaadna u geyneysaa isaga iyo walaashiiba laba kaar inta kalena waxaan kadhigeynaa aqoonyahano kasoobaxay jamacadaha dalka iyo dibada waxaadna ushegeysaa inaad wax barasho dibada ah ubaxeysid aadeysidna jaamacad afar sano ah waana dhibaato baad ku leedahay hadii aan aqal galno waayo waxa laga yabaa inaan uur yeesho oo fursadu sidaas igu dhaafto waxadna ogaaneysaa xaqiiqada hadalkeyga marka saadambe ay saxiibadeydu iisameynayaan xaflada sagootinta ah ee aan idiin keynay marti qaadkeeda.

wuxuuna yiri : hadii aad afar sano iyo kabadanba maqnaato xataa waan kusugayaa waayo aad baan kuu jeclahay hadii aan nasiib leyahayna waa hadaan wada noolano oo marna kaama samri karayo, abaalna waad igu leedahay 

hadaba marki lagaaray xafladii oo aheyd mid si heer sare ah loo soo abaabulay oo ay kasoo qeyb galeen dakhaatiir badan iyo ijeneero badan ayna ka mid yihiin lamaalayaal is qaba oo aqoon yahano ah waxana ka tumeysay kooxda u caansan hobolada waxa kaloo la bixinayay mac macaano

hadii xafladii bilowmatayna waxa hadal kooban ka jeedisay dr iftin oo u hambalyeeysay dhamaan dadkii kasoo qeyb galay xaflada waxaa kaloo kahadley qaar kamid ah dadkii lacasumey oo bogaadin uga soo jediyay una duceyay kuwaas oo ahaa dad aan hoos ula socon meesha waxa ka jira waxaana laga qaadey sawiro badan oo xaflada ah qaar ka mid ahina dad gaar ahi mobilo ku duubten markii ay xafladii meel dhexe mareyso ayaa qorax oo ay aheyd xaflad tii ugu horeysay waligii ayaa la yaabay dad kan rag iyo dumarba shafka isa saaraya isna dhun dhunkanaaya oo ay ka mid tahay iftin.

waxayna iswada leyihiin digtoore, digtoorisa, injinere i.w.m 

hadaba xafladii oo aan wali fari ka qodneyn buu qorax oo la yaaban arimahan meesha ka socda oo u arko kuwo dhaqanka soomalida aan ku jirin xoogaana wareyrey baa ku yiri walaashii nasro:

inaga wadi meesha wax kasocda fahmi waayee hadii ay tagsi soo kaxeysteen nasra oo iyadu dhowr jeer tagtay aroosyo baa ku tiri walaal waxaan umaleynayaa iney iftin ina khiyaameysay iyadoo aan awalna wax xog ah naga siin waxa ay ku saab santahay xafladu

hase yeeshee qorax oo xanuun kasoo qaaday casuumadii baa ku yiri: walaal igadaa hadal uma baahniye wuxuuna markii ay guriga yimadeynba bilaabay inuu isduuduubo .

hase yeeshee habeenkii oo dhan waa gami wayay wuxuuna la yabanaa wixii meesha kasoo qabsaday oo uusan filayn.

subaxdii hadii uu dukaankii tageyna waxa uu nasiib dareemay in mushkuladi la soo daristay oo uusan siduu ku yaaqanay aheyn hadii uu wareystayna wuxuu ku yiri: isagoo careysan waxba kaama galine ku filnoow shaqdaada afaaraheyga gaarka ahna mardembe hagalin.
hase yeeshee barqadii markii ay adeega soo donatay nasro buu isaga oo meel ka duragsan fadhiya buu ku yiri : nasraay walaale sidiisii mahee maxaa xalay ku dhacay ma dhibaa jirta.

nasra oo qosol isku celineysa baa hoos ugu tiri : war mar dembe baan kuu waramayaaye dukaanka u feejignoow war jiraaba cakaaruu imane


intaas kadibna qorax wuxu noqday maqane jooga waxaa ku bilowmay fikir iyo is lahadal waxaana ku laba laxaadsaday jaceylkii iftin oo uu xakameyn kariwayay.

waxa iyana nasiib daro noqotay iftin oo malintii dambe ay soo caan baxday xafladeydii la isku xawilay mobilada noqotayna xaflad la mid ahi aney ka dhicin deegaanka nasiib daro se waxay noqotay markii maalmo ka dib iftin looga yeeray xafiiska agaasimaha.

wuxuuna agaasimuhu weydiiyay su aalo ay ka mid yihiin sow ma ogid inaad shaqale tahay oo haysid masuuliyad weyn 
waxayna ku tiri : haa agaasime ee maxaa jira,

waxa uu ku yiri : maxay tahay xafladan aan hayo sawirkeyda ee aad ku shegeyso inaad wax barasho aan wasaradu ogeyn ugu kicitimisid.

iyada oo waxay ku jawaabto garan weyday bay aamustay wuxuuna si kulul ugu yirii: ii jawaab ma jirtaa mise majirto waxayna tiri : haa waan sameeyay laakiin inaan kaaga sheekeeyaa waxay qadaneysaa waqti dheer isaga oo xanaaqsan buu yirii: waxad gashay dambi qaran waxadna udiyaar garowdaa xilwareyjin degdeg ah iyo >>>>>

La soco qaybta Danbe 

HOOS KA AKHRI QAYBIHII HORE EE SHEEKADA HADAY KU DHAAFTAY 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
EMAIL:BAARGAAL@GMAIL.COM
Developed by Jago Desain