Posts

Sheekh Xassan Al-Turaabi oo ku geeriyooday Magaalada Khartuum

Allaha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee Sabtidii maanta Magaalada
Khartoum ku geeriyooday Sheikh Xasan cabdullah al-Turaabi, oo ka mid
ahaa siyaasiyiinta ugu waawayn dalka Suudaan, sida wayna looga
garanaayo daafaha caalamka.

Sheikh Hassan Abdu Allah al-Turabi, ayaa sanadkii 1932-kii ku dhashay
Magaalada Kassala ee dalkaasi Suudaan, waxaana uu ku geeriyooday 84
jir, waxa uuna ka dhashay qoys aad ugu dheer diinta.

Siyaasigan, ayaa waxaa lagu tilmaamaa ninkii dejiyay Siyaasadda
Islaamka ee Suudaan, waxaana loo arki jiray maskaxda ka dambeysa in
xukunka dalkaasi uu qabsado Madaxweyne Omar Hassan al-Bashir, ka dib
markii uu taageeray inqilaabkii uu dalka ku qabsaday.

Waxaa uu markii dambe uu ka horyimid Madaxweyne Omar Hassan al-Bashir,
isla-markaana uu taageeray qaraarkii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga,
ee ku aadanaa in la soo xiro al-Bashir.

Xukuumadda Khartoum ayaa marar kala duwan xirtay mufekerka reer Suudaan.
Al-Turabi, ayaa ku hadli jiray luqadaha Carabiga, Ingiriisiga,
Faransiiska iyo Jarmalka. Waxaa lagu sifeeyaa nin cilaaqaad wanaagsan
la lahaa Saxaafadda Caalamka.

Marka laga hadlaayo saamayntii uu lahaa, ayaa la sheegaa inay aad ugu
fududeed in dadka uu ka dhaadhiciyo diinta Islaamka iyo weliba
fekerkiisii siyaasadeed
Developed by Jago Desain