Wafdi Qurbajoogta Gobolka Gardafuu kamid ah oo Kormeeray Xarumaha Waxbarashada Degmada Baargaal

Wafdi Qurbajoogta Gobolka Gardafuu kamid ah oo Kormeeray Xarumaha Waxbarashada Degmada Baargaal
Waxaa Booqasho iyo kormeer mudooyinkan ku soo gaaray Degmada baargaal ee Gobolka Gardafuu Dr. Barre Faatax Maxamuud iyo Shakhsiyaad kale oo oo kamid ah qurba joogta kasoo jeeda gobolka Gardafuu.

Wafdigan ayaa intay joogeen degmada Baargaal  waxay booqashooyin ku tageen xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee deegaanka 

Waxaa kamid ahaa meelaha ay booqdeen Dugsiga Sare ee Maxamed Xusen ee Degmada Baargaal halkaas oo ay shir dheer iyo Iswaraysi iyo Xog kala qaadasho kula qaateen ardayda , maamulka, macalimiinta iyo gudiga waxbarashada degmada.

Wafdiga ayaa  ka hadlay imaatinkooda magaaladda Baargaal ayagoo sheegay iney si aad ah ugu faraxsanyihiin isla markaana ay ka mahadcelinaan soo dhaweynta loo sameeyey.

Waxayna sheegeen in qorshaha ay u yimaadeen deegaanka uu yahay inay wax ka ogaadaan xaalada deegaanku ku sugan yahay iyo waxyaabaha uu u baahanyahay si ay wax u qabtaan wixii ay awoodaan.

Safarka wafdigan qurbajoogta ah ayaa waxaa la dhihi karaa wuxuu dhiirigelin u noqonaayaa qurba joogta kale ee gobolka si iyaguna uga qeybqaataan horumarka deegaankooda.








SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmailcom
Developed by Jago Desain