Posts

WAR DEG DEG AH:- Ciidanka Puntland oo Duqayn la beegsaday Halkii Kooxda Argagixisada ah ku aruureen ee Deegaanka Suuj

Wararkii ugu dambeeyay ee ka baxaaya deegaanka Suuj oo Dagaal u
dhexeya Ciidamada dawlada puntland iyo Argagixisada ka socday yaa
sheegaya in Ciidanka amar lagu siiyay inay ka durkaan Buurtii ay ku
hareraysnaayeen oo ay ku jireen Firxad ka baxsaday dagaalkii saaka
bilaamay.

Duqayn dhanka Bada ah iyo beriga ayaa la sheegay in lala beegsaday
buur ay ku jireen kooxda Alshabaab ee duulaanka kusoo qaaday Puntland.

Ciidanka ayaa haatan Waradiye adag ka haya buurta la duqeeyay, waxaana
la sheegay inay sumaysanyhiin kooxdii buurta ku jirtay.

Dhinaca kale Wararka ayaa tibaaxaya in Maxaabiis ka tirsan
Argagixisada lagu qabtay dagaalkii dhacay , waxaana sidoo kale jira
khasaare xoogan oo soo gaaray Alshabaab kaas oo wali la cadayn karin
tirakoobkiisa rasmiga ah.
Developed by Jago Desain