Warbixin: Halkee Howsha wasaarada Horumarinta Haweenku Maraysaa?

Warbixin: Halkee Howsha wasaarada Horumarinta Haweenku Maraysaa?



Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa kulan la qaadatay hayaddo kala duwan oo kala shaqeeya arrimaha haweenka.

Madaxa Hay'adda UNFPA Bakhtior Kadirov iyo qeyb ka mid ah shaqaalaha hay'adda ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Anisa Hajimumin waxa ayna wada falanqeeyeen kulanka ka dhacaya New York, ee carriga Maraykanka kaasoo looga hadli doono arrimaha haweenka, hogaanka, ka qeyb qaadashada siyaasadda.

Puntland ayaa u hadli doonta Soomaaliya maadaama ay soo saartay Xeerka Kufsiga, oo ah mid aan ka jirin wadamo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe iyo Qaarada Afrika.

Xeerka ayaa ah mid diinta Islaamka ku salaysan islamarkaasna ciqaabtiisu tifaf tirayso habkii loo qaabayn lahaa, loona ciqaabi lahaa dhib geystaha.

Waxaa kulankan New York looga hadli doonaa, Siyaasadda Gudniinka, iyo arrimo kale, oo Wasaaradda haweenka ka gaartay horumar.

Sidoo kale, wasiir anisa xaaji muumin waxay la kulantay madaxa Hay'adda UN Women ee Puntland Pusparaj Mohanti iyo xubno ka socda hay'adda ILO halkaasoo lagu tafatiray mashruucii UN Women siisay ILO inay ka fuliso Garoowe, Hargeysa iyo Muqdisho meesha uu marayo, waxii qabsoomay, caqabadaha jira iyo waxii qorshe laga leeyahay in natiijo wax ku ool ah kasoo baxdo mashruuca.

Xubnaha ILO ka socda ayaa sheegay in 90 qof Garoowe lagu tababaray, dadkii tababarayaasha loo sameeyay tababaro kala duwan ay ku baahinayaan xirfadaha iyo aqoonta loo diyaariyay.

Inkastoo uu qorshuhu ahaa in dadka la tababarayo, la tayeeyo lana maal geliyo, weli lacagtii lagu maal gelin lahaa ma iman.

Habka mashruuca u socdo ayaa ah mid go'aamadiisa laga soo gaaro xafiiska hay'adda ee Nairobi, halkaasoo ay ku sugan yahiin shaqaale aan usoo dhaadhicin aaga shaqada lagu hayo ee dalka gudahiisa.

Mashaariic noocan oo kale ah ayaa lagu qabtaa wadanka gudahiisa oo goaamintiisana kasoo aroorto Nairobi.

Wasiir anisa ayaa sheegtay inay warqad u diri doonto hay'adda ILO xafiiskooda Nairobi, Waxay cadaysay in haweenka Puntland ay diyaar u yahiin horumar, tababar aan dhamaan iyo howlo aan xal waara lahayna wasaaradda raali ka ahayn.

Dhinaca kale Wasiir anisa ayaar sheegtay in barnaamijyo sidan oo kale ah ay jiraan oo haatan ay la xisaabtan waddo.

Wasiirka ayaa sharaxday in bulshada diyaar u tahay habkii loogu gudbi lahaa horumar dhab ah, mashruuc kasta oo la keeno wadankana dabagal dhab ah lagu samayn doono, lalana xisaabtami doono hay'addaha howshan wada.


SHABAKADA BAARGAAL.NET

Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain