Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Anisa Hajimuumin oo Khudbad ka Jeedin doonta Shirka Haweenka ee Magaalada New York

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Anisa Hajimuumin oo Khudbad ka Jeedin doonta Shirka Haweenka ee Magaalada New York
Wasiirka haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa ka mid ah masuuliyiinta lagu marti qaaday shirka haweenka adduunka oo dhowaan ka furmi doono magalada New York ee waddanka Maraykanka.

Anisa Xaaji Muumin ayaa shirkaasi ka jeedin doonto khudbad la xiriirta guulaha wasaraddu ka gaartay horumarinta haweenka, ka hor taga gudniinka waxyeeleeda Gabdhaha iyo siyaasada jinsiga, waxa kale ay halkaasi ka sheegi doontaa qorshaha horumarinta ee shanta sano kaasoo sidoo kale shirka inta uu socdo looga wada hadli doono tabashooyinka haweenka.

Wasiirka Haweenka oo maanta ka dhooftay magalada Garowe ayaa gaartay magalada Nayroobi waxayna dalka Maraykanka u duuli doontaa saacadaha soo socda, inta ay ku sugan tahay magalada New York waxay kulamo gaar gaar ah la yeelan doontaa madaxda Hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Inta aysan ka tagin magalada Garowe wasiirka haweenka waxay kullan casho sharaf ah u samaysay gudoomiyaasha haweenka gobaladda Puntland oo magalada Garowe u joogay ka qayb galka munaasibadda 8-Maarso, cashadaasi waxaa kale oo joogay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo masuuliyiin xilal hore kasoo qabtay Puntland.

Aniso Xaaji Muumin oo ka hadashaya munaasibadaasi ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay isku duubnimadda haweenka Puntland iyo sida ay dadaalka ugu muujiyeen inay xuska Maarso kusoo bandhigaan guulaha ay gaareen iyo tillaabooyinka horumarinta salka ku hayo ee socda.




2

3
1
Developed by Jago Desain