Posts

Wasarada waxbarashada Puntland oo dhintay war qiimaha lacagta lagu galayo Imtixaanka Shihaadiga ah

Wasiirka waxbarashada Dawlada Puntland Abshir Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa ka hadlay qiimaha lacagta dheeraadka ah ee lagu kordhiyay ardayda u fariisanaysa Imtixaanka Shihaadiga ah ee fasalka 8-aad iyo fasalka 12-aad ee Dugsiga sare, ka dib markii dhowaan wasaraddu qiimaha ay ku kordhiyay ay walaac ka muujiyeen waaldiinta.

Wasiir Abshir ayaa sheegay baahida markii hore keentay in ardaydda lagu kordhiyay lacagta Imtixaanka lagu galayo ay timi ka dib markii ay go’day dhaqaalihii Midowga Yurub ku bixin jireen qaadista Imtixaanka wuxuna sheegay markii hore in laga qaadi jiray arday kasta fasalka 12-aad 20-doolar balse lagu kordhiyay 20-doolar oo kale, waxaase arrintaasi walaac ka muujiyay waalidiinta oo sheegay inaysan awoodi karin dhaqaalaha intaasi leeg, wasaradda ayaa dhintay lacagtaasi 10-doolar waxaa hadda ardayda dugsiga sare ee Imtixaanka galaya shihaadiga ah laga qaadayaa 30-doolar. Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ayay wasaraddu ka dhigtay 15-doolar maadama markii hore laga qaadi jiray 10-doolar oo kaliya,arrintaasi ayuu sheegay inay timi maadama culus uu soo baxay ku aadan dhaqaalaha imtixaanka lagu qaadayo isla markasna uusan baaqan karin.

Wasiirka waxbarashada ayaa shirkiisa jaraa’id lagu waydiiyay suurta galnimadda inay waalidiintu ku qanci karaan dhimista lagu sameeyay lacagtii dhowaan lagu kordhiyay galista Imtixaanka shihaadiga ah wuxuuna rajo ka muujiyay in lagu qanci doono dhimistan danbe ee wasaraddu samaysay.

Arrimaha kale uu wasiirku ka hadlay ayaa ah in balaarin lagu samayn doono madbacad wasaradda si howlaha culus ee wasaraddu u socoto, sidoo kale dadka ayaa hadal haya kordhintii uu dhowaan madaxwayne Gaas ku sameeyay miisaaniyada waxbarashada sida loo maamulay iyo shaqooyinka lagu qabtay arrintaasi waxaa ka jawaabay wasiirka.

BAARGAAL.NET ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain