Posts

XOG : Waa Maxay Sababta Alshabaab u qabsadeen Deegaanka Garacad ?

Dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab ayaa ka afduubtay xeebta degmada Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ilaa 7 doonyood.

Doomahaan oo ah doonyo kalluumaysi ayaa laga lahaa wadanka Yemen, doomahaas oo heshiis ku joogay xeebta, oo ay kalluun ka gadan jireen kalluumeysatada degmada, iyadoo deegaanka doonyahan laga afduubtay lagu magacaabo Ceel-Macruuf.

waxa ayna Alshabaab si xoog ah uga soo wateen xeebta degmada Ceeldheer, iyadoo shaqaalihii iyo ganacsatadii doonyahan masuulka ka ahaa ay ku hayaan degmada Ceeldheer

Alshabaab ayaa la sheegay in ay ciidamada saareen doonyahan, shalay galab iyagoo u jihaystay dhanka iyo xeebta garacad oo ay caawa fiidkii la wareegeen

isgaarsiinta ayaa hawada ka maqan maalintii sadexaad degmooyinka Ceeldheer, Xarardheere iyo Hobyo, wararka qaar ayaa sheegaya in alshabaab amreen in muddo 5 maalin ah aan la shidi karin khadka taleefanada degmooyinkaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Alshabaab hub uga soo dagayo degaanka Garacad, iyadoo dadka deegaanka ay u sheegeen in ay muddo lix cisho ah la joogi doonaan, ayna suurta gal tahay in dib ugu laabtaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain