XOG) XASAN SHEEKH OO KULAN QARSOODI AH DUBAI KULA YEESHAY ODAYAASHA SOOL

XOG) XASAN SHEEKH OO KULAN QARSOODI AH DUBAI KULA YEESHAY ODAYAASHA SOOL
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dubai, waxa uu kulan qarsoodi ah la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Sool.

Odayaashan waxaa hogaaminayey Garaad Sulaymaan oo isaga dhawaan caafimaad ahaa loo keenay Dubai. 

Haddaba maxay ujeedada Xasan Sheekh u codsaday inuu la kulmo odayaasha gobolka Sool?

Ujeedada Xasan Sheekh ka rabo kulankan ayaa ah in odayaasha hogaanka dhaqanka ee Sool ay Damul Jadiid ku taageeraan nidaamka faasidka ah ee 4.5 ee awood qeybsiga talada dalka.

Odayaashan ayaa u badnaa odayaasha gobolka Sool ee taageersan maamulka Puntland. 

Qorshaha kale ee Xasan Sheekh ayaa ah inuu kala jabiyo hogaanka dhaqanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Sool oo iyagu u kala qeybsan sadex: Khaatumo, Puntland iyo Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa Garaad Jaamac ka codsaday inay soo saaraan baaq ay ku taageersan yihiin nidaamka faasidka ah ee 4.5.

Lama oga go'aanka ugu danbeeya ee ay qaadan doonaan odayaashan ka soo jeeda gobolka Sool.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain