Akhriso Qodobada laysku mari la’ayahay Shirka Madasha Wada tashiga Hogaamiyaasha Siyaasadda

Akhriso Qodobada laysku mari la’ayahay Golaha Madasha Qaranka
wararka ugu danbeeyay ee ka soo baxaaya shirarka iyo wada hadalka madasha qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in wada hadaladii maanta duhurkii u bilowday Madaxda Siyaasadda ee Soomaaliya ay ilaa hadda socdaan, qodobada qaarkoodna aad layskugu diiday oo dood badan ka taagan tahay.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka & Ra’iisulwasaarihiisa ayaa la sheegay in ay soo jeediyeen maanta qorshe cusub oo ah in waxyaabihii laga wada hadlay oo dhan la horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya, taas oo aan horey uga mid aheyn waxyaabihii loo qorsheeyey in madashan looga wada hadlo.

Qodobada hadda laysku mari la’ayahay ayaa kala ah.

In go’aanka ka soo baxa gollaha madasha Qaran la hor geeyo Baarlamaanka dawladda Faderaalka si ay u meelmariyaan.

In heshiiskii Garoowe lagu gaaray 3-dii bishan uu yahay mid hareermaray Sharciyadda Baarlamaanka, ayna lagama maarmaan tahay in ay meelmar ka dhigaan baarlamaanku.

In Guddiga doorashooyinka Qaranka looga danbeeyo hab maamuuska iyo maamulka doorashooyinka 2016.

In aan wax ka bedel lagu sameyn karin go’aankii ay ku ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya guddiyada Heer Faderaal, gaar ahaana guddiga Doorashooyinka oo ay DFS & Puntland ku heshiiyeen in dibu eegis lagu sameeyo.

In Odayaasha Dhaqanka looga dambeeyo soo xulida xubnaha baarlamaanka cusub, taas oo lagu jabinayo sida muuqata Heshiiskii Garoowe.

Developed by Jago Desain