Akhriso Qodobada Ugu Muhiimsan Heshiiska Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya

Akhriso Qodobada Ugu Muhiimsan Heshiiska Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa caawo lagu saxiixay heshiis dhexmray Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo ku saabsan hannaanka Doorasho ee 2016-ka.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ahaa ah;-

-In Puntland ay Ogolaatay Nidaamka Qabiilka ee 4.5.

-Innaan dib loogu noqon Nidaamka 4.5,haddii Doorashada 2016-ka lagu galo.

-Soo xulida Xubnaha Baarlamaanka beelaha Puntland dhistay waxay ka dhacaysaa magaalada Garowe,waxaana saxiixa ugu dambeeya iska leh Madaxweynaha Puntland marka ay Odayaashu soo xulaan.

-Guddiga Doorashada Soomaaliya waxaa si wada jir ah u xulaya Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

-Doorashada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka halka ay ka dhacayso waa laga heshiinayaa iyo Qodobo kale.

Heshiiska ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,waxaana Damaanad qaaday Beesha Caalamka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain