Dhageyso-Wasaaradda Beeraha Puntland oo digniin ka soo saartay Roobab Mahiigaan ah oo soo foolleh

Dhageyso-Wasaaradda Beeraha Puntland oo digniin ka soo saartay Roobab Mahiigaan ah oo soo foolleh
Wasaaradda arimaha beeraha ee Dowladda Puntland gaar ahaan waaxdeeda saadaasha hawada ayaa ku dhawaaqday in labada malin ee soo socda ay Puntland ku soo wajahan yihiin roobab isugu jira Mahiigaan iyo Doogsin kuwaas oo ka di’i doona goboladda Puntland.

Cali Baliil Boos oo ah agaasimaha waaxda Saadaasha ee wasaaradda Beeraha Puntland ayaa sheegay in saadaashan lagu ogaaday xog ururin ay wasaaradda kala kaashatay Hay’ada maarenta biyaha iyo cunada ee Smalin,

Waxa uu sheegay in saadaasha la sameeyay ay sheegeyso in meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah siiba Puntland ay ka di’i doonaan robabkan.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in Roobabkan ay ku soo beegan yihiin gobolada Sool, Sanaag, Bari, Mudug iyo Nugaal labada maalmood ee soo socota , waxayna roobabkaas noqon doonaan kuwo mahiigaan ah.

Waxa uu sheegay in meelaha qaar ee ay roobabkaasi Qabtaan ay ka dhalin karaan khasaare naf iyo maal leh, iyadoo sidoo kale uu ka digay Togaga gaar ee ku yaala gobolada Bari iyo Sanaag ay dhici karto in dhibatada ugu badan ay ka dhalato.

Inkastoo saadaashan ay tahay mid cilmiyeed oo la sameeyay, ayaan hadana la aqoon sida ay wax noqon doonaan maadaama wax kasta ay ku dhacayaan Amar ilaahey, ayna u di’i karaan sidii loo sheegay roobabkan.

Dhageyso Hadalka Agaasimaha Waaxda Saadaasha Wasaaradda Beeraha Puntland.


Developed by Jago Desain