Gabay: ROOBDOON

Gabaygan waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, wuxuu ka hadlayaa abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada geeska Africa ee muslimiintu degto, khaasatan Soomaaliya  oo ka mida meelaha ugu daran ee abaaruhu ku habsadeen. 

Abwaanku wuxuu leeyahay 

1. Degal ooman danyartoo dam tidhi, duunyada idlaatay
2. Cirka aan daruur caad lahayn, darifyadii qaawan
3. Dugaaga iyo duurjoog dugsigi, diin ka bixi waaye
4. Shinbirihi ma duulaan cirkiyo , deli cufkoodiiye
5. Daayinow risiqa samada yaal, dunida noolayso
6. Suuratul ad’ daariyat adaa, dira malaa’iige
7. Dabaylaha dulgeeyaan biyaha ,dhibica soo daata
8. Adaa degal abaarsaday mar kale, doog ka soo bixine
9. kuwa daayin sadarada shucara, dawga ku hanuunshay
10. Ergo doonay eebbow baryada, kaama daalaniye
11. Dirxi dhagax dhexdii nool adaan, daahna kaa qarrine
12. Dad wuxuu tarraa wuu yaryahay, daalnay cararkiiye
13. Biyo daabul booyado dhuraan , waa dar-leef waliye
14. Adaa deeq makhluuqa u shubtaa, deeqi gebbigoode
15. Adaa darif ka darif caalamkani, doone kuu yahaye
16. Dulmiyada khalqigu wuxu gefana ,waa dulbadisaaye
17. Dam kuwaad ka siisana adaa, daahrogoo nixine
18. Adaa dabacsan ruuxii qalbiga, daacad kuu noqone
19. Adaan deyn ka doonayn nimcada, deeqdo aadmiga e
20. Adaa diin islaam noogu digay, dawga kii saxa’e
21. Adaa nebigi (scw) noo diray xaqaa, laabta noo dagaye
22. Daalin weeyi shaydaan ninkaan, qabin digniintaase
23. Danbi badane aadmigu wax badan, wuu dafirayaaye
24. Adaan ruux danbigi toobay yidhi, diiday aan odhane
25. Midkaad doonto ada diida oo, daayin baad tahaye
26. Adigaan rabbow kuu dikriyi, oo dantay garane
27. Adaa doonistaydana allow, daawo kaa sugiye
28. Ducadaydan roob-doon adaan, kaa dalbanayaaye
29. Dambidhaafna waan kaa rabnaa, dabacsanaantaaye
30. Roob degalka maasheeya oo, daadku mulucyeeyo
31. Midaan dannab wax laayiyo lahayn, dooxya nala booda
32. Duhur iyo habeen caano da’a, oo dixaha maydha
33. Midaan duunyo naga madhin dhuAlkana, doog mudh soo bixiya
34. Derbiyada magaaladda mid aan, daarihii duminin
35. Duufaan wax qaadiyo mid aan, wadan dabayl xoogle
36. Waxaan doono eebbow adaan, diiq ku noqonayne
37. Adaa doona aadmigu inuu, kaa dalbado khayre
38. Roob doonay eebbow dadkii, way il daran yiine
39. Degdegsiimo badanoow aday, kaa dib dhicin shay e
40. Allahayow ducada waan diree, dalabka loo aayo

Aamiin, Aamiin
Developed by Jago Desain