Khasaare Xooggan Oo Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Ma-gafayaal Ka Soo Kala Jeeda Dalalka Masar Iyo Liibiya

Ugu yaraan 12 qof, ayaa ku geeriyooday dagaal xoogan oo dhexmaray kooxo ma-gafayaal ah oo u kala dhashay dalalka Masar iyo Liibiya ee waqooyiga qaaradda Afrika, kadib markii labada dhinac isku khilaafeen lacag ka soo baxday dad tahriibayaal ah.

Sida lagu baahiyey telefiishanka Al-jazeera xalay, sagaal (9) qof oo ka tirsan Ma-gafayaasha u dhashay Masar iyo saddex Ma-gafe oo reer Liibiya ah, ayaa ku dhintay dagaalka dhexmaray oo dhacay magaalada Bani Walid ee waddanka Liibiya maalintii Arbacada ee toddobaadkan.

Xafiiska Hawlgalka ee Qarammada Midoobay ku leedahay dalka Liibiya, ayaa xaqiijiyey dagaalka dhexmaray kooxaha Ma-gafayaasha ah, iyadoo xafiisku iftiimiyey in tirada muwaadiniinta reer Masar ee halkaas lagu dilay ka badan yihiin 9 qof, sida la tuhunsan yahayna ay dhimashadoodu gaarayso ilaa 13 qof, wuxuunu xafiiska Qarammada Midoobay ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo sida falkaas u dhacay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniintoodu lagu dilay gudaha Liibiya ay dhan yihiin 16 qof, balse, waxa xogaha kale ee soo baxay iftiimiyeeo in dadkaas la dilay isugu jiraan kooxo Ma-gayaal ah iyo dad kaloo reer Masar ah oo la tahriibinayey.

Warbixino kala duwan oo la soo saaray, ayaa sheegay in boqolaal kun oo qof oo bilaa sharci ah ay joogaan gudaha waddanka Liibiya, kuwaasoo isugu jira dad doonaya inay tahriib ku galaal dalalka Yurub, qaar ka ganacsada falalka tahriibka iyo dad kaloo ka shaqaysta waddanka Liibiya, balse aan wax sharci ah haysan.

Dhinaca kale, waxa la sheegay inay gudaha Liibiya ku dhaqan yihiin kooxo shabakado isku xiran ah, awoodooduna sarrayso oo ka ganacsada falalka tahriibinta, isla markaana dhaqaale badan ka sameeyey tahriibka dadka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain