Posts

Kulamo Ka dhan aha Heshiiskii Garoowe oo Dhexmaray madaxwayne Xasan Sheekh, Shariif Xasan iyo Cabdikariin Guuleed

Warark laga helaayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay kulamo hoose yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulamadaasi oo ahaa kuwa qabyaaladaysan ayaa la sheegayaa in looga hadlayey heshiiskii dhowaan Garoowe ku dhexmaray waftigii ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo dowladda Puntland.

Kulamadaasi ayaa waxaa lasheegay in madaxdu ay uga hadleen sidii ay uga hor imaan lahaayeen qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyey marka ay kulmaan mas'uuliyiinta madasha qaran ee doorashada Soomaaliya oo ay ku midaysan yihiin dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lasheegay inuu diidan yahay qaar kamid ah qodobadii heshiiska uuna doonayo inuu maamuladaasi kala kaashado sidii loo qaadici lahaa ama dibu-eegis loogu samayn lahaa.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dood weyn ka keeni doona in dib loogu laabto guddiga Doorashooyinka ee dalka, oo sida heshiiska Garoowe dhigayey laysku raacay in dibu eegis lagu sameeyo, ayna wada magacaabaan dhinacyada Siyaasada oo dhan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa dhowaan balanqaaday inuu damiin ka noqon doono fulinta heshiiskii Garoowe, waxaana haddii uu fuliwaayo ay noqon doontaa in Puntland aysan aqbali doonin qaadashada hanaanka qabiilka ee 4.5.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain