Posts

Madaxwaynaha Puntland oo Muqdisho ku wajahan waa maxay sababtu

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku wajahan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya halkaas oo uu uga qaybgalayo shir ay ku yeelanayaan Madaxda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka.

Ilo lagu kalsoonyahay oo ka agdhow Madaxtooyada Puntland ayaa ayaa laga soo xigtay in Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu barri ka ambabaxayo Garoowe, waxaana Shirka uu ka qaybgalayo looga hadlayaa dhamaystirka qaabka doorasho oo arrimo badan u dhiman yihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Shirka Muqdisho lagu go'aamin doono ergooyinka Xildhibaanada keenaya iyo qaabka odayaashu usoo gudbinayaan.

Dhismaha Aqalka Sare oo Sanadkan la dhisayo ayaa isna qayb ka ah arrimaha looga wada hadli doono shirka magaalada Muqdisho.

Shirka Muqdisho kadib garoowe ayaa lagu wadaa in shir kale ka dhaco walow wali aan la ogaan karin ajandaha rasmigaa ee Shirka Garoowe.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain