Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo ku kulmay caasimada Boqortooyada Sucuudiga ee Riyadh (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo ku kulmay caasimada Boqortooyada Sucuudiga ee Riyadh (Sawirro)
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kula kulmay magaalada Riyadh ee Caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Kulanka ayaa isugu jiray mid gaar ah iyo mid guud, iyagoo uga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo marxaladihii u dambeeyay.

Waxaa kulanka hore ee guud goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, iyo xubno kale oo la socday Madaxweynaha Puntland, waxaana la isku dhaafsaday kaftan iyo sheekooyin siyaasadeed.

Kulanka gaarka ahaa ee albaabada u xirnaa ayaa waxay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo C/wali Gaas kaga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka sanadkan 2016 dhacaya iyo shirarkii Hiigsiga.

Sheekh Shariif iyo C/wali Gaas ayaa ahaa Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyay ee dowlad KMG, waxaana ay si wada jir ah uga qeyb galeen tartankii doorashada Madaxweynaha ee sanadkii 2012 ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo aan tan iyo markii xilka wareejiyay ka hadlin arrimaha siyaasada ayaa la hadal hayaa inuu ka mid noqdo musharaxiinta ugu xoogan ee doorashada Madaxweynaha ee sanadkan 2016 dhaceysa, inkastoo aanu si rasmi ah u shaacin.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu soo dhoweeyay oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ku qabteen magaalada Jiddah ayuu kaga gaabsaday inuu shaaciyo inuu musharax yahay, balse uu ku gaabsaday in aan siyaasada Soomaaliya laga dhamaaneyn, hadii musharax yahay iyo hadii kale uu waqtigeeda sheegi, lagana sugo iyadoo aanay hada waqtigeeda dheereyn, waxaa uu xusay in xilliga munaasib uu sheegi doono, safarkiisana uu badan yahay.



shariif-gas (1)shariif-gas (2)shariif-gas (3)shariif-gas (4)
Developed by Jago Desain