Puntland oo qabatay 100 Tahriibayaal u socdey dalka Yemen

Puntland oo qabatay 100 Tahriibayaal u socdey dalka Yemen
In ka badan 100 Tahriibayaal Soomaali u badan oo ku sii jeeday dalka Yemen ayaa lagu soo qabtay biyaha u dhaxeeya wadamada Somalia & Yemen, iyadoo ay howlgalkaa fuliyeen ciidamadda caalamiga ah ee kusugan xeebaha Soomaaliya.

Tahriibayaashan ayaa ku sii jeeday dalka Yemen, ka dibna waxay doonayeen in ay u kicitimaan dalka Suudaan, oo ay uga gudbi lahaayeen Liibiya & Biyaha caalamiga ah.

Maamulka gobalka Barri ee dawladda Puntland ayaa hadda lagu wareejiyey Tahriibayashan oo lagu xiray Saldhigyada ciidamada Amniga ee magaalada Boosaaso.

Puntland waxay u aqoonsatay Aafo Qaran oo caalami ah Tahriibka, waxayna horay uga soo saartay sharuuc la xariirta in cidii lagu qabto iyo cidda wax tahriibisa isku dambi ay noqon doonaan oo lala wareegi doono Hantidooda.

Dooniddan lasoo qabtay waxaa ku jira 6 qof oo lagu tuhmayo in ay yihiin dadka deegaanada Puntland wax ka tahriibaya ee leh doonyahan arrimahan ka shaqeeya, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobalka Barri ee dawladda Puntland Yuusuf Maxamed Waceys (DHADO).

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Calbari 

Developed by Jago Desain