Qaban qaabada Soo dhaweynta madaxweynaha Puntland oo Boosaaso ka socota

Qaban qaabada Soo dhaweynta madaxweynaha Puntland oo Boosaaso ka socota
Waxaa Saaka siweyn loogu diyaargaroobayaa magaalada Boosaaso Xarunta gobolka Bari Soo dhaweyn diiran oo halkaas loogu sameeyo madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas iyo wafdi uu hogaaminayo kaas oo maanta ku wajahan

Madaxweyne C/wali oo ka soo kici timay dalka Sucuudiga oo uu ku sugnaa maalmihii u dambeeyay ayaa waxa uu ka soo safrayaa Caasimadda DAlka Itoobiya oo uu shalay soo gaaray.

Dr Gaas iyo wafdigiisa ayaa boosaaso ka soo degaya waxaana inta ay ku sugan yihiin ay halkaas kulamo kula qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada odayaasha iyo wax garadka gobolka Bari,

Warar kale ayaa sheegaya in madaxweynuhu si rasmi ah u dhagax dhigi doono wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Amniga magaalada ayaa saaka siweyn loo sugay, waxaana ku qul qulaya garoonka diyaaradaha Boosaaso qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta ku sugan gobolka si ay halkaas ugu soo dhaweeyaan madaxweynaha.


Baargaal.net
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain