April 06, 2016

Sawiro Naxdin Leh :Wiilal,Hooyo Iyo Laba Caruur Ah Oo Somali ah Oo oo kelyaha lagala baxay Dalka Masar

sagaal qof oo Somali ah ayaa maydadkooda laga helay maalintii shalay wadanka Masar,kuwaas oo ay heleen ciidamada Amaanka Masar. 

sagaalkan qof ee la helay ayaa waxa ku jira saddex qof oo ah Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay,kuwaas oo aad u yar yar,waxaana hooyadaas iyo labadeeda caruuraba lagala baxay xubnaha muhiimka ah ee jirka,gaar ahaana Beerka,Wadnaha iyo Kelyaha,iyada oo dib loo tolay markii lagala baxay xubnahaasi.

arrintan ayaanay ilaa hadda ka hadal dawlada Masar iyo sidoo kalena dawlada Soomaaliya,mana jirto cid loo qabtay,waxaanay saddexdan qof kamid ahaayeen dad tahriibeyaal ahaa oo doonaayey inay Yurub u baxaan.

dhacdadan ayaa murugo ku abuurtay dadka Soomaliyeed,iyada oo ka mid noqotay dhacdooyinkii ugu foosha xumaa ee sannadkan dhaca.






NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner