Posts

Sheeko Qosol badan oo ka dhex dhacday mid ka mida Gawaarida Dadweynaha Muqdisho

Mid ka mida Gawaarida Dadweynaha ayaa waxaa Kursiga hore ee shirka Ka soo kacay nin oday ah, in dhowr talaabo markii uu socday ayaa waxaa darawalkii gaariga waxaa uu shitay Sigaar wuxuuna bilaabay in uu Qiiciyo.

Ninkii odayga ahaa ee kursiga horay fadhiyay ayaa ku dhahay "Dareewal naga Dami Sigaarka.

Dareewalkii gaariga ayaa si caro leh u dhahay, War lacag ayaan kala soo baxay Sigaarka ee Buuqa iga Jooji.

Gaarigii ayaa sii socday, Darawalkii waxaa uu sii waday in uu sii cabo sigaarkiisa.
Ninkii odayga ahaa oo iska aamsunaa in cabaar aha ayaa Yiri Darawal ii jooji Dukaankaan ayaa lacag ka sarifanaaye, Anaa kuu sarifayo ayuu dhahay Dareewalkii Balse waxaa uu tusay Lacag badan oo Cash ah odaygii oo ku yiri ma haysatid adiga intaan isug hal daqiiqo.

Odaygii ayaa soo Gatay Hal Xabo oo PIF PAF ah (Sunta Cayayaanka) shirka ayuuna soo Fuulay waxaa uu bil;aabay in uu Buufiyo. Dareewalkii Xanaaq Maxaa ka wadaa nin wayna waa tahaye
Odaygii ayaa ugu Jawaabay Lacagtayda ayaan kala soo baxay…

Dadkii gaariga saarnaa ee hadalka hore ee Sigaarka Maqlaayay ayaa odayga la saftay iyaga oo dhahay Adiguba waan na sumaysay, Buuq ka dib Darawalkii waa garwaaqsaday in uu qaldanaa, Gaarigii iyada oo lawada Qoslayo ayaa la dagtay.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain