Posts

WAR DEG DEG:- Doonyo wada Dhalinyaro ka soo jeeda Puntland oo ku dhex wareegaya Biyaha Masar iyo Talyaaniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qaahira ayaa sheegaya in sadex habeen ka hor ay doonyo cusub oo wadey Dhalinyaro Soomaaliyeed, oo badankoodu ka soo jeeda gobalada Puntland ay ka baxeen xeebaha dalkaas Masar, iyagoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga oo ay doonayeen in ay uga gudbaan wadamada Yurub-ta kale.

Doonyahan ayaa mid kamid ah la waayey xariirkeeda ilaa hadda sida la xaqiijiyey, waxaana adag in la ogaado xaqiiqada ay ku sugan tahay, iyadoo qaar kamid ah ragga dadka Tahriibaya oo kusugan gudaha dalka Masar oo kiisaskan wax ka ogaa ay diideen in ay wax faahfaahin ah bixiyaan.

Labo ka mid ah Doonyahan ayaa ku jira biyaha caalamiga ah, mana aysan helin wax gurmad ah ilaa hadda, ayagoo adeegsanaya Telfoonada caalamiga ah ee loo yaqaano Thurayaha, cilad ayay qabtaa mid kamid ah doonyahan xariirkooda la hayo sida ay sheegeen dhalinyarada saaran.

17 April 2016 ayay ahayd markii ay dagtay doon weyn oo waday 470 qof, markii ay baddu kacday waxaana ilaa hadda aan nolol lagu heyn dad ka badan 270 qof, iyadoo dhimashadooda la xaqiijiyey in ka badan 100 dhalinyaro Soomaaliyeed ah.

Talaabaddan ayaa ah mid qalbiga Ummadda Soomaaliyeed taabanaysa, maadaama cidda Tahriibka iyo baddaha caalamiga ah ku dhimanaya ay yihiin Hogaamiyaashii Mustaqbalka Soomaaliya, waxaana badankoodu ay dalka uga carareen nolol xumo iyo Shaqo la'aan baahsan oo ka jirta guud ahaan dalka.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain