Posts

WAR DEG DEG:- Wiil si Fool xun u dilay Hooyadiis iyo Aabihiis

Wararka ka imaanaya Degmada Kericho ee dalka Kenya ayaa sheegaya in nin dhalinyaro ah uu dil u geystay waalidiintiisa, kadib markii uu soo kala dhex galay muran dhinaca dhaqaalaha ah.

Muranka dhanka Dhaqaalaha ku saleysan ayaa yimid kadib markii Waalidiinta ay damceen inay Iibiyaan qayb ka mid ah Dhul ay lahaayeen, waxaana Qarashka dhulkaasi ay doonayeen inay Waxbarashada Jaamacada uga bixiyaan Gabadhooda oo 19 sano jirta oo dhawaan Iskuulka Sare ka baxday.

Ninkaan dhalinyarada ah ee dilaya Waalidkiisa ayaa ka soo horjeestay qorshaha waalidiintiisa ay ku doonayeen in Gabadha ay waxbarashada uga bixiyaan Dhaqaalaha ay ku iibin doonaan dhulka, waxaana uu doonaayay in Dhaqaalahaasi isaga la siiyo.

Ninkan falka dilka ah waalidiintiisa u geystay ayaa doonaayay in lacagta loogu Iibiyo Mooto Dhug dhugley si uu ugu shaqeysto, hayeeshe Waalidiinta ayaa ka diiday arintaasi.

Dad goob joogeyaal ah ayaa laga soo xigtay in markii uu xaqiiqsaday in uu hir galayo go’aanka waalidiintiisa uu baxay oo uu maandooriyaha khamriga soo isticmaalay, isagoo markii uu soo laabtayna falkaasi dilalka ah ku dhaqaaqay.

Dilka waalidiintiisa oo ay ku jirtay hooyadiis iyo Aabihiis ayaa lagu soo waramay in uu u adeegsaday faas u yaallay guriga oo uu six un ugu jarjaray jirkooda.

Booliska ayaa hadda wada baaritaanno ku aadan dhacdadaan, iyagooo sidoo kalena ugaarsanaya eedeysanaha oo aan wali la sheegin magaciisa.


BAARGAALNET 
Developed by Jago Desain