Posts

Xog : Madaxwaynaha Dawlada Puntland oo ku soo wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari

Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu wadaa maalinta beri ah (JImce) inuu ka dego garonka diyaaradaha magalada Boosaaso.

Socdaalka Gaas ee Bosaso ayaa salka ku haya ka qayb galka xaflada lagu shaacinayo dhismaha wajiga labaad Airport-ka Boosaaso, iyadoo sidoo kale lagu wado inay kasoo qayb gallaan wafuud heer caalami ah iyo kuwo ka socda dowladda dhexe.

Mashruuca lagu dhisayo wajiga labaad ee garoonka waxaa gacanta ku haya urur goboleedka IGAD waxaana dhaqaalaha ku deeqay dowladda Talyaaniga.

Dhinaca kale madaxwayne Gaas marka uu tago magalada Bosaaso waxaa lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxda iyo waxgaradka Gobalada Bari iyo Gardafuu ee halkaas ku sugan
Developed by Jago Desain