Xog: Madaxweynaha Dawlada Puntland oo dhawaan booqasho ku Tagi Doona Boqortooyada Sucuudiga

Warar si hoose uga soo baxaaya madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. C/Weli Maxamed Cali Gaas uu maalmahan soo socda booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Boqortooyada Sucuudiga, isaga oo marti qaad rasmi ah ka helay dowlada Sucuudiga.

In kasta oo aan wali si rasmi ah loo shaacin arimaha la xiriira safarka madaxweynaha, haddana warar hoose ayaa sheegaya in ujeedada ugu weyni ay tahay in dowladda Sucuudiga ay bilaabi doonto mashaariic ah xagga horumarinta oo ay ka fulin doonto Puntland, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo qalabaynta ciidamada Puntland si looga hortago ururada argagixisada iyo weliba shiicada hubeysan ee fadhigoodu yahay dalka Yemen, oo xuduud la wadaaga Puntland.

Ujeedoonyinka kale ee safarka Madaxweynaha ayaa ah in Sucuudiga suuqyadiisa u furo alaabaha Puntland dibada u dhoofiso, sida khayraadka badda, xoolaha nool, fooxa, beeyada, hargaha, iwm.

Mashaariicda ugu waaweyn ayaa ah in dowladda Sucuudiga ay Puntland ka caawiso dhismaha dekado waaweyn, maadaama Puntland ay leedahay qeybta ugu dheer xeebta Soomaaliya oo ah tan ugu dheer qaarada Afrika.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain